Jabuuti iyo Kenya oo maanta ku kala baxayo loolanka kursiga golaha ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Jabuuti iyo Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah u tartami doono kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay, iyada oo dalka guuleysta uu ku matali doono guu ahaan qaaradda Afrika.

Labada dal ayaa in muddo ah tartan adag oo diblumaasiyasadeed ugu jiray kursigan, waxaana natiijada ka soo baxda ay saameyn ku yeelan doontaa iskaashiga gobolka.

Sanadkii tegay Kenya ayaa heshay aqlabiyada xubnaha ka socda Midowga Afrka, taas oo gelisay rajo ah inay ku guuleysan karto kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Jabuuti ayaa sidoo kale heysata taageerada ugu badan ee dalalka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa horey ugu booriyay dhammaan dowladaha xubnaha ka ah inay u istaagaan taageerada Djibouti.

Jabuuti iyo Kenya cidii ku guuleysata kursigan waxay ku biiri doontaa wadamada Mexico, India, iyo Canada, Ireland iyo Norway oo noqon doona xubanaha cusub ee UNSC.

Laga soo bilaabo tan iyo 2007-dii Ururka Midowga Afrika wuxuu adeegsadaa hab wareeg ah, iyadoo gobol kasta uu helayo wareegiisa, si uu ugu tartamo halka kursi ee aan joogtada aheyn ee ay Afrika ku leedahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.