Dabinka wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland

Shirka maalinnimadii 14-6-2020 ka furmay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, laguna wadahadalsiinayo Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu noqon doonaa mid taariikhda cusub ee Soomaalida baal mugdi ah ka gala! 

Waa marka horee; waa madal aan loo dhamayn oo gobollo iyo dadkii matalayayba way ka maqanyihiin shirka ( Sool iyo Sanaag). 

Waa ta xigtee; isuma dheelitirnoo dhinacyada wadahadllaya dhinac baa awooddiisa ka muuqata shirka, marka la eego shakhsiyaadkii u matalay, munaasabaddii fuuritaanka baadna ka dheegan kartaa isu dheelitir la’aanta kulankaas.

Laba dhinacoo kastaa oo wada hadlaa dhinac baa nugul oo jilicsan, halka kan kale ay muuqato in uu isagu meeriyo go’aannada, tiisana ay ku soo idlaato.

Marka la eego shirka imminka ka socda Jabuutina, dhinaca Somaliland bay muuqataa in ay iyadu majaraha u hayso wadahadallada.

Marka la wada hadlayana tanaasul waa iman karaa, oo go’aanka tanaasulku -markaas- wuxuu ka iman  karaa dhinaca guuleystay; amaseba laga guuleystay -kay noqotaba- xaaladda Soomaaliyase ma jirto cid guulaysatay; ama cid kaloo guuldarraysatay. 

Go’aanka wada hadalkuna wuxuu ka yimid gacan saddexaad oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya, hadda ka horna waxaan dhambaal aan arrinkaa kaga faaloonayo ku qoray degelka Wardheernews, anigoo dhambaalkaygaas cinwaan uga dhigay: “ Khariiddadii Itoobiya: ma sir fakatay baa! Mise khalad dhacay!”.

Haddaba, sidaan dhambaalkayga cinwaanka uga dhigay, Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku dhacay dabin aanu ka fiirsan, waana sababayn doonaa – akhristow- sababta aan hadalkayga u idhi:- 

1- Xilliga dowladda Federalka Soomaaliya ogolaatay in shir noocaan oo kale ah la qabto; iyadoo sidaan ognahay dhawr bilood uga hadhay muddo xileedkii loo idmay, cid kastaa way dareemi kartaa in olole doorasho ujeedku yahay, waana sababta ka dhigtay DFS dhinaca nugul.

2- Somaliland aqbalaadayda wada haddallada waa ujeeddo badan, oo waxaa shirka ka soo bixi doona; 

B. Shan sano, ama 10 sano ka dib in afti dadweyne laga qaado dadka waqooyiga Soomaaliya, waxay Soomaaliland naawilaysaa in gobollada Sool iyo Sanaag laga dhigo xuduud lagu muransanyahay (Disputed Territories ) sida: “Abyeeyda” Sudan oo kaleba imminka tahay. muddadii ay gooni-isu-taagga ahaayeenna shacabka reer waqooyi waxay Somaliland ku wadday wacyi-galinno liddi-ku- ah la midowga Soomaali mar kale. 

T. Soomaaliland haddii ay aftidaas dadweyne ku guuldarraysatana waxay DFS u sahli doontaa in Somaliland hesho arrin ay ku guuldarraysteen 1960-dii markii labada gobol koonfur iyo waqooyi midoobeen; buug aan akhriyay  oo uu  qoray nin Professor Al-Dirdeeri Maxamed Axmed  una dhashay dalka Suudaan, wuxuu buuggiisa cinwaan uga dhigay ( AL-XUDUUD AL-IFRIIQIYAHA WAL INFISAAL FII AL-QAANUUN AL-DOWLI) micnihiisuna yahay: “ Xadka Afrika iyo gooni-isu-taagga marka qaanuunka dowliga ah la eego. Cutub uu kaga hadlayay dalalka dunida ee gooni-isu-taagga helay wuxuu sabab uga dhigay in ay jirtay wax ay kala qorteen tusaalana wuxuu u soo qaatay dalka Masar iyo Suuriya markii ay midoobeen 1958-kii , markay ay kala goostenna sannaddu markay ahayd: 1961-kii, waxay markii horeba ahaayeen dowlado middiiba gaar u taagnayd, Somaliland marka uu ka hadlayay wuxuu sheegay in ay adagtahay in la ictiraafo; waayo ma jiro wax qoran oo kaydka galay, laba dowladood oo midoobayna ma ahaynee waxay aheeyeen dad walaalo ah isu hiloobay guumaystuhuna kala qaybiyay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu maanta ka shaqeenayaa in ay Soomaaliya kala go’do, waxay Somaliland lixdankii ku guuldarraysatayna  isagaa maanta u saxiixi doono. 

3- dhinaca Somaliland waxay shirka uga qayb-gashay si mug iyo culays leh, marka aad fiiriso dadka ka qayb-galay dhinacooda waa dad culays siyaasadeed ku leh waqooyiga Soomaaliya, dhinaca matalaadda qabaa’ilka waxaa uga qayb galay qabiilka dhexe iyo waxay ku magacaabaan dhinacooda qabaa’ilka hareeraha, dhinaca golayaashana way dhanyihiin, halka dhinaca DFS aan goloyaashu kawada qayb-galin . 

Waxaa intaa dheer Somaliland; maadaama ay ahaayeen dad wax tabanaya oo siday sheegtaan xuquuq doon ahaa, waxay ku hawlanaayeen in daraasaat iyo qorshayaal cilmi-baadhis dooddooda ku laraan, khuboro caalami ahna kaashadaan, oo laga soo bilaabo xilligii Maxamed Ibraahim Cigaal ilaa iyo maanta oo aan joogno la taliye dastuur u ah “Al-Professor- Muntasir Al-Ibraahim” waana aqoonyahan dalka Sudan u dhashay, horeyna u ahaa la taliyihii Jabhaddii “SPLM” ee koonfurta Suudaan, wuxuuna ka caawiyay aqoonyahankaas ku takhasusay qaanuunka dastuuriga ah siday Koonfurta Suudaan looga jari lahaa dalka Suudaan.  Markii ugu dambaysayna waxaan ku ogaa isagoo dagan Hotel (Marti-soor- Hargeysa). 

Falsafadda Madhammar

Waxaa shirka wadahadallada DFS iyo Somaliland gadaal ka riixaya raysal wasaaraha Dowladda Federalka ee Itoobiya Abiy Axmed, khudbaddii uu shirka wadahadallada ka jeediyana wuxuu si faahfaahsan ugu sharraxay falsafaddiisii uu aaminsanaa ee “Madhammar” eraygaas waa Af-Amxaari, waxaana loola jeeda (Isjecel, mideysan, isku duuban) wuxuuna raysul wasaaraha dalkaas qoray buug uu cinwaan uga dhigay eraygaas, waana qorshe muran ka dhaliyay dalka Itoobiya muddadii u dambeysay. 

Raysul wasaaraha dalka Itoobiya wuxuu madaxweyne Farmaajo ka dhaadhiciyay xukun dowlad dhexe oo adag in ay ka wada hir-galin doonaan labada dal, halka sida saxda ahina Itoobiya marnaba doonayn dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, ee qorshuhu yahay: qaybi oo dabadeedna  xukun. 

Wadahadallada iminka Jabuuti ka socdana waa ujeeddo badan qolo walibaa dhinac danteeda ah ka aragto, raysal wasaaraha Itoobiya wuxuu doonaya in uu muujiyo falsafaddiisii “Madhammar” in ay ka hirgashay Soomaaliya, halka dulucdiisu tahay kala goynta Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajana isha wuxuu -had iyo goor- ku hayaa soo noqosho mar labaad, wuxuuna umadda Soomaaliyeed ku maaweelinaya qorshayaal daaharkeeda kore wadata muuqaal waddaniyadeed, runtuse tahay dhalanteed aan waxba ka suuroobi doonin, tusaale waxaa kuugu filan -akhristow- guddigii dabaaldegga 1-da Luuliyo ee la magacaabay bilo ka hor. Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ogaa shirkaan, habeenka xuska 1-da luuliyana wuxuu akhrin doonaa khudbad uu ku sheeganayo in uu Soomaali mideeyay, sida dhabta ahina waa hoggaamiyihii Soomaali kala geeyay. dalkii Soomaaliyana wuxuu noqday mid doorasho la siisto.

Mowqifka Dowladda Puntland 

Wada hadal kastaa oo lala galaa Somaliland ansax noqon maayo haddayan Puntland dhinac ka ahayn, sababtuna waa caddahay oo gobollada lagu dul gor gortamayaa ee Sool iyo Sanaag waa gobollo Puntland ka tirsan, go’aan ka gaariddoodana waa in Puntland laga talo-galiyaa. 

Dowladda Federalka ee Soomaaliyana miyaanay habboonayn in ixtiraamto dastuurka dalka u yaal ee federalka ah, ee sida cad u qeexaya la tashiga dowlad-gobolleeddada arimaha masiiriga ah?!!

Aniga aragtiday shirka wadahadallada ee bilowday wuxuu ku dhamaan doonaa waxba kama jiraan, waa shir la doonayo in doorasho lagu galaa. Dhulka Soomaaliyana ka weyn wax doorasho la siistaa.

Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) – Waa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland. Waxaad kala xiriiri kartaa ashkirnuur84@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid