Jabuuti iyo Somaliland oo ku loolamaya dhuumaha qaada shidaalka Ethiopia

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay haminayan in dhuumaha qaada shidaalka laga helay Gobolka Soomaalida laga dhoofiyo dekadda Berbera ee maamulka.

Maamulka ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay gaarsiiyeen codsi ku aadan in lasiiyo qandaraaska dhuumaha maadaama ay aad isugu dhow yihiin labada Gobolka.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Maamulka Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa sheegay inay awood u leeyihin qaadista dhuumaha shidaalka.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in codsigooda dowlada Ethiopia uu yahay mid ay ku doonayan inaan dhuumahasi shidaal laga dhoofin dekadaha dalka Jabuuti.

Mar uu Wasiirku wareysi siinaayay wargeyska Bloomberg ayuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay dhoofiso shidaalka iyo Gaask ceyrin ee laga helay dhulka Soomaalida ee ay maamusho Ethiopia.

“Weynu awoodna in qandaraaska dhuumaha lasoo mariyo Dekadeena waana u sheegnay Ethiopia in dalabkeena uu yahay in nala siiyo qandaraaskaas si aynu uga faa’iidno”

Wasiirku waxaa uu sheegay in dowladda Ethiopia  ay ka codsadeen arrintaas islamarkaana jawaabta iyada ka sugayaan.

Jaamac ayaa sheegay in Dekadda Berbera iyo goobaha laga helay shidaalka ay isu jiraan 400km oo kaliya halka dekadaha Jabuuti iyo halka laga helay shidaalka ay isu jiraan 700km taasina ay Somaliland siineyso fursad.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti ayaa Ethiopia ka dalbatay in dhuumaha qaada shidaalka laga helay Gobolka Soomaalida laga dhoofiyo dekadda Berbera ee maamulka.

Dowlada Ethiopia wali jawaabo waafi ah kama aysan bixin dalabka kaga imaaday Jabuuti iyo maamulka Somaliland oo ku loolamaya Dekadda laga dhoofin lahaa dhuumaha qaada shidaalka.

Dhinaca kale, Ethiopia ayaa heshiis dhanka Dekadaha ah la gashay Dowlada Eriterea oo sanado badan kadib ay kala saxiixdeen Heshiisyo muhiim ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com