Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhex dilay xabsi ku yaalla wadanka Libya

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in xabsi ku yaala dalkaasi uu isku dhex gubay muwaadin Soomaaliyeed.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in Xabsiga uu ku jiray muddo, taasi oo ku khasabtay inuu isku dhex gubo kadib markii ay ku adkaatay nolosha.

Qoraal lagu daabacay Wargeyska The Irish times ayaa lagu sheegay in muwaadinka is gubay da’diisa ay dhantahay 20 sano jir kaa oo la kulmay culeys dhanka nolosha ah.

Wargeyska oo xiganayay illo wareedyo ku sugan Xabsiga ayaa sheegay in muwaadinkaasi  uu isku bil bilay Nafto uu kasoo qaatay matoor yaala xabsiga uu ku xirnaa waxaa una isku daaray Dab, kadib markii uu u sheegay Saaxiibadiisa Xabsiga ay ku wada jireen in uu waayay rajadii ahayd in uu dago dal nabad ah.

Muwaadinkan ayaa la sheegay inuu ka quustay rajadii uu ugu socdaali lahaa Yurub waxa uuna is gubitaankiisa ka hor dadka u sheegay in nolosha Africa uu ka doorbidayo inuu geeriyoodo waxaana xigtay geeridiisa silica xambaarsaneyd.

Sidoo kale, muwaadinkan ayaa waxa uu horay u xareystay leen kaa oo u suuragalin waayay inuu ku baxo, sababo la xiriira nasiib darro.

Tobanaan kun oo muhaajiriin ah ayaa jooga Wadanka Libiya kuwaas oo doonaya in ay uga sii gudbaan Dalalka Qaaradda Europe oo uu ka xigo safar adag oo badda ah.

Geesta kale, Liibiya ayaa noqonaaya dalka ugu badan ee haya qaxooti Soomaaliyeed kuwaa oo ku nool silac iyo saxariir, iyadoo qaar badan oo kamid ahna ay gacanta ugu jiran kooxo arxan daran oo uu Hoggaamiyo Magafe.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com