DF oo shaacisay inay wax ka qabaneyso daroogo dhib ku heysa ardayda

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga Somaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshe la xiriira sidii iska warqab looga sameyn lahaa alaabaha dalka la soo geliyo.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dhawaan wasaaradda Ganacsiga ay sharci ka soo saareyso alaabaha dalka la soo geliyo, waxa uuna tilmaamay inay jiraan balwado laga soo dajiyo Dekadaha oo waxyeeleeya ardayda.

Wasiirku wuxuu sheegay in ardada Somaliyed uu dhibaato badan ku hayo Daroogada la yiraahdo Taabuuga, midaasi ayuu tilmaamay inay wax badan ka qaban doonaan.

Iskuulada iyo goobaha caafimaadka ayuu sheegay in badi lagu dhex isticmaalo, balse waxa uu daboolka ka qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan looga hortagi doono.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Waxaan kala hadalnay arrimahan golaha wasiirada qeybta arrimaha bulshada iyo dhaqaaha, waxaan ka soo saari doonaa shuruuc, marka ay soo ansixiyaan golaha wasiirada oo hada uu hor yaallo sharcigan”.

Dhinaca kale, Ganacsiga Somaaliya ayaa u baahan dheelitir, isdhaafsi iyo hubinta la xiriirta alaabooynka dalka la soo geliyo, si loo xoojiyo xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dalalka caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com