28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Jabuuti oo bah-dilkii Siilaanyo ku sii dartay hadal ceeb ku ah S/L

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay soo baxayeen warar sheegaya in xiriirka Dowlada Jabuuti iyo Somaliland uu xumaanaayo ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Danjiraha Dawlada Djibouti u fadhiya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa marka ugu horeysa xaqiijiyay in xiriirka Dowladiisa kala dhexeeyay Somaliland uu yahay mid halkiisa taagan waxa uuna sheegay inaanu jirin wararka la xiriira xiriirka Jabuuti iyo Somaliland ee Saxaafadu dhanka kale u rogeyso.

Waxa uu sheegay Danjiraha in Tashwiishka uu ka dhashay Hab maamuuskii lagu qaabilay Axmed Siilaanyo xiliga ay dhaceysay munaasabada Caleemasaarka, balse arrinkaasi uu ahaa mid la xaliyay.

Danjiraha ayaa sheegay in aanu ogolayn in la aflagaadeeyo madaxweynihiisa isla markaana ay arintan ka wada haldeen wasaarada arimaha dibada Somaliland, iminkana uusan garaneynin sababta loo qaad-qaadaayo arrintaani uu wakhtigeedu dhamaaday.

Danjire Xuseen Cumar Kawaaliye, waxa uu tilmaamay in Hab maamuus qaldamay uusan dhiciseyn karin xiriirka ka dhexeeya Dowladiisa iyo maamulka Somaliland.

Xuseen Cumar Kawaaliye, waxa uu meesha ka saaray inuu jiro xiriir xumo Dowladiisa kala dhexeysa maamulka, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu xilka hayo uu adkeyn doono xiriirka iminka taagan.
Geesta kale, maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay inay is dajiyaan oo aysan xumeyn hadalka si aan loogu dheelin xiriirka iminka labada dhinac ka dhex jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News