Gaalkacyo (caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in ay shalay galab ciidamo ka tirsan Galmudug ay weerareen ku qaadaan Saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Teerage ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Galmudug ayaa weerarkan abaabulkiisa wadey saacadihii ugu dambeeyey, waxaana dhacay iska horimaad culus oo labada dhinac dhexmaray, sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil kamid ah ciidamada.
Khasaare ayaa ka dhashay dagaalkan, iyadoo warar kala duwan ka soo baxyaaan khasaaraha gaaray.
Saraakiisha ciidamada Amniga ee Gobalka Mudug, inkastoo ay ka gaabsadeen in ay khasaaraha ka hadlaan, haddana warar madax banaan ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaarayso in ka badan 3 oo dhinacyada dagaalamay ah.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac, laakiin saraakiisha Puntland ayaa sheegay iney heegan geliyaan ciidamadooda amaanka, si looga hortago qataro kalle oo dhanka amaanka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

