Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka shanqariyay maqaamka uu yeelan doono Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in shacabka magaalada Muqdisho looga baahan yahay inay is dajiyaan islamarkaana aaminaan DFS, waxa uuna ballanqaaday in Gobolka Banaadir lasiin doono Maqaam dadka degan ay ku farxi doonaan.
Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dastuurka uu ku qoran yahay in magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Somalia, waxa uuna xusay in maalmaha soo socda wada tashi badan laga geli doono sidii ay matalaad ugu yeelan laheyd Aqalka sare ee BS.
Nuqul kamid ah haddalka Xassan Sheekh ayaa ahaa ”Magaalada Muqdisho maqaam gaar ah oo la sameyn doono ayay yeelaneysaa, maqaam gaar ah wali lama sameyn waa waxa caqabada keentay, hada waxaa socda wada xaajood iyo wada tashi badan, madasha qaran ayaa maalamaha soo socda Muqdisho shirkooda uga furmi doona, waana laga wada hadli doonaa” ayuu yiri isagoo ka qayb-galay barnaamij toosa ah oo toddobadii mar ka baxa SNTV.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Shacabka degan magaalada Muqdisho ay lamid yihiin kuwa kale, sidaa aawgeedna ay heli doonaan maqaamkooda, balse loo baahan yahay inay ka dhowr-sugaan DFS oo ku howlan sida lagu qancin lahaa dadka dega Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha waxa uu qiray in Labo Milyan illaa saddex milyan oo ruux ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho sidaa aawgeedna ay lama huraan tahay in wakiilo ay ku lahaadaan aqalka sare.
Waxa uu mar kale yiri Xassan Sheekh ” Waa sax inaan horumarino dareenka ah Caasimada Somalia waana wada ognahay in Muqdisho ay tahay Caasimada Somalia insha allah waan aqbali doonaa ra’yiga shacabka”
Sidoo kale, waxa uu madaxweyne Xassan Sheekh caddeeyay in aanay jiri doono wax waqti kordhin ah, isla markaana 20-ka Agosto uu imaan doono Baarlamaan cusub oo bedeli doono Baarlamaanka hadda jira, waxaa uu intaa ku daray in doorashada dalka ka dhaceysa ay waqtigeeda dhici doonto.
Waxa uu mar kale Xassan Sheekh uu ku celiyay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha, isla markaana dastuurka dalka u ogolaanayo, waxaana uu xusay in Musharaxiinta kale ee xilka u taagan ay si isku mid ah fursado u wada helayaan.
Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo dadka ku nool magaalada Muqdisho ay dhowr jeer dhigeen banaanbaxyo ay kaga soo horjeedan diidmada ay DFS diideyso in Gobolka Banaadir lasiiyo xuquuqdeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

