Sawirro: Dowladda Jabuuti oo gurmad iyo dhaqaatiir usoo dirtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay dalabkii dowladda federaalka ee ku aadanaa u gurmashada dadkii kala duwanaa ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe.

Jabuuti oo ka jawaabeysay dalabkaas ayaa maanta gurmad iyo dhaqaatiir caafimaad usoo dirtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyeen wasiirka caafimaadka, wasiirka warfaafinta iyo guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaaraha

Wafdiga ka socda dowladda Jabuuti waxaa horkacaya wasiirka waxbarashada ahna sii- hayaha xilka wasiirka caafimaadka dalkaasi Mudane Mustafa Maxamed Maxamuud.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo garoonka kula hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey deeqda ka timid dowladda dalka Jabuuti.

“Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq dawo ah oo inooga yimid dalka aanu jaarka iyo wallaalaha nahay ee Jamhuriyadda Djibouti,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyey dowladda Jabuuti oo dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtay Soomaaliya kadib baaqii Wasaaraddaiisa ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo caafimaad oo taqasus u leh qaliinada dadka gubtey iyo kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin.

Qaraxyadii Zoobe 2 oo lala beegsaday dhismaha wasaaradda waxbarashada ayaa waxaa ku dhintay illaa 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale oo u badan dad shacab ah.