Dowladda ABIY AHMED iyo Tigray-ga oo heshiis gaaray

Pretoria (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo mucaaradka Tigray ayaa Arbacadii shalay heshiis lagu joojinayo colaadda ku gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaa sidoo kale labada dhianc ay ku heshiiyeen inay dhacdo hub ka dhigis marxaladaysan, iyo in gargaarka bani’aadannimo loo furo in dadka la gaarsiiyo, iyo in la soo caliyo adeegyadii dadweynaha.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey kadib wadahadallo socday toddodbaad oo ka socday dalkaas, oo ay ka qaybgalayeen ergooyin ka kala socda dawladda Itoobya iyo mucaaradka Tigray.

Wadahadalladan waxaa dhex-dhexaadiyey Midowga Afrika iyo dawladda Maraykanka oo la sheegay inay korjooge ka ahayd.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya laba sano kahor markii colaaddu ay ka qaraxday gobolka Tigray, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo qof, sida ay sheegeen hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda.

Gobolka Tigray ayaa waxaa ka jirtay xaalad bani’aadanimo oo darran iyo cuno yari, tan iyo markii uu dagaalka billowday November 2020, waxaana ka go’naa adeegyasada aasaasiga ah sida korontada, isgaarsiinta, ayada adeegga bankiyada uu xadidan yahay.