Jabuuti oo jawaab culus ka bixisay eedeyntii uga timid DF

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii shalay uga timid dowladda federaalka ee aheyd inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya. 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ku eedeeyey Jabuuti iyo Kenya inay isku dayeen “inay farageliyaan” go’aankii Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ay kaga dhaadhicinayaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika soo jeedin qoddobo ay rabeen in lagu daro qoraalkii xalay kasoo baxay.

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa sheegay inay aad uga niyad jabeen ugana xun yihiin in wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya uu mar kale ku celinayo eedeymo iyo tuhun been abuur ah oo ah in Jabuuti ay ajende ka leedahay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Aan si aad ah u caddeeyo, Jabuuti uma qalanto hadalladan oo kale. In Jabuuti lagu eedeeyo inay faro-gelineyso arrimaha Soomaaliya oo ay dhinac la jirto waa mid aan wax macno ah laheyn, oo waxyeeleyneysa qiyamkeena ku aadan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Ilyaas. 

“Aad ayaan u qiimeynaa waxa ay Soomaalia noo fashay. Sidaas darteed ma sameyn karno wax ka yar. Waa taas sababto ay wiilasheena ugu dhimanayaan dib u curashada Soomaaliya,” ayuu yiri. Jabuuti ayaa waxay ciidamo ka tirsan AMISOM ka joogaan Soomaaliya. 

Dowladda Soomaaliya ayaa siyaasad cadaawad leh kula dhaqmeysay Jabuuti, tan iyo markii ay saaxiibeen madaxweyne Farmaajo iyo kaligii-taliyaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ciidankiisa ay xoog ku haystaan dhul ay leedahay Jabuuti.