Rooble oo soo rogay amarro deg deg kadib kulan uu ku qabtay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble oo xalay guddoomiyay shirka amniga caasimadda ayaa faray hay’adaha ammaanka in la dardargeliyo sugidda amniga, xiligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Rooble ayaa ka dhegaystay Hay’adaha ammaanka warbixinno ku saabsan xaaladaha guud ee amniga Caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxaha argagixisada iyo cadowga shirqoollada u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray Wasaaradda Amniga in tallaabo deg-deg ah laga qaado sharcigana la horkeeno dadkii ka danbeeyey shaqaaqadii shalay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Garoonka ayaa waxaa isku dagaalay ciidamo ka tirsan NISA iyo shaqaalaha hay’adda socdaalka markii shaqaalaha ay diideen in garoonka lasoo geliyo qof ajnabi ah oo NISA ay dooneysay inay soo marsiiso ayada oo aanu marin nidaamka sharciga ah.

Rooble ayaa sheegay in dhacdadaas ay ay muuqaal aan wanaagsanayn ka bixinaysay dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan la buunbuunin dhacdooyinka wax u dhimaya muuqaalka dalka, sida uu yiri.

Kulanka ayaa intii uu socday waxa uu Rooble kormeeray qeybta gurmadka deg-degga ah ee Booliska, isagoo ku ammaanay hay’adaha amniga dadaalkooda ku qotoma caawinta bulshada. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo ciidanka ammaanka.