Jabuuti oo shaacisay sababaha ku kalifay inay ka baxdo heshiiskii DP World ee Imaaraadka

Jabuuti-(Caasimadda Online)-Dawladda Jabuuti faah-faahisay sababaha keenay inay ka basdo heshiiskii ay kula jirtay shirkadda DP World ee maamulaysay dekadda Dooraale oo ah mid caalami ah.

Gudoomiyaha dekeddaha dalka Jabuuti, Abubakar Xadi ayaa soo bandhigay qodobo uu sheegay in aanay dawladda Jabuuti ku qanacsanayn oo ku jira heshiiska ay la galeen shirkada DP World, qodobadaasi oo uu sheegay in ay meel ku dhac ku tahay qaranimada dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qodobada meel ku dhaca ah ee in heshiiska laga baxo ay ka mid yihiin in Jabuuti aysan dhisan karin dekad ka kale dhisan karin Jabuuti yada oo aan fasax ka heysan shirkadda DP World.

“Qodobada aan ugu baxnay heshiiska waxaa ka mid ah in dawlada Jabuuti aanay deked ka dhisan karin dalka iyada oo aan fasax ka haysan shirkada DP World, taas oo qaranimada meel kaga dhacaysa iyo anaga oo leh qaybta badan ee maal gelinta dekeda Dooraale inay iyagu hadana yeeshaan xubnaha boorka ah, markaa waxyaabahaas oo ka hor imanaya qaranimadii dalka ayey xeerkaas cusub u marisay oo ay u jabisay heshiiskii ay kula jirtay DP World.” ayuu yiri guddoomiyaha dekaddaha dalka Jabuuti Abuukar Xadi.

Abuukar Xadi ayaa sheegay in Jabuuti laheyd maalgashiga ugu badan iyo lacagta ku baxday dekadda Dooraale, wuxuuna tilmaamay in 67% oo u dhiganta 88 milyan ay dowladda Jabuuti bixiyay, halka DP World ay bixisay 44 milyan, heshiiskaasina uu sheegay in ay khaladaad badan ku jireen oo ay saxiixeen shaqsiyaad ay DP World jeebka ku wadatay.

“Waa la ogaa heshiiskaasi, laakiin dad ayaa barigaas joogay kuwaas oo si kale u shaqaynayey, waxaana jabuuti heshiisyadaas u saxeexay dad jeebka ugu jiray shirkada DP World.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa guddoomiye Xadi.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com