JADWALKA iyo habraaca doorashada guddoonka labada aqal oo la ansixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaallo oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada Gole ee dalka.

Ugu horreyn xildhibaanada cusub ayaa ansixiyey wax ka baddelka habraaca ku-meel-gaarka ah ee u gaarka ah doorashooyinka Guddoonka labada Gole iyo Madaxweynaha.

Habraacan ayaa waxaa ogolaatay illaa 190 Mudane, waxaa diiday hal xildhibaan, waxaa ka aamusay 6 xilddhibaan, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi kadib, waxaa warbixin laga dhageystay guddoomiiyeyaasha guddiyada doorashada ee labada Aqal oo ka warbixiyey qorshe howleedkooda iyo jadwaka ay dajiyeen.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Golaha Shacabka oo warbixinta gudbiyey ayaa shaaciyey jadwalka.

19-ka ilaa 22-ka bishan April ayuu sheegay in la bilaabayo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada). 23-ka bishaan ayuu sheegay in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Golaha Shacabka. Maalinta xigta ee 24-ka April ayaa sidoo kale loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’ 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaariyaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

Dhankiisa guddoomiya guddiga doorashada ee Aqalka Sare ayaa isna shaaciyey jadwalka doorashada guddoonka Golahaasi, wuxuuna sheegay 19-ka ilaa 20-ka bishan April la diiwaan-gelinayo murashaxiinta guddoonka Golaha. 23-ka illaa 24-ka April in loo qorsheeyey in la qabto ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee Golaha Aqalka Sare, halka 26-ka ay dhaceyso doorashada guddoonka.

Sidoo kale xildhibaanada isku raacay lacagaha laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadiisa, Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha waa 40.000 (Afartan kun oo doolar), lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal waa 20.000 (labaatan kun oo doolar), halka lacagta laga qaadayo gudoomiye kuxigeenada labada aqal ay tahay 15.000 (Shan iyo toban kun oo doolar).