James Swan oo gaaray Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ergeyga QM ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulkaasi.

Intaasi kadib James Swan ayaa guda galay ujeedada socdaalkiisa oo ku aadan arrimaha doorashooyinka ee Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu haatan garoonka uga socdo isaga iyo odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi.

Kulankan ayaa diirada lagu saarayaa cabashada weli ka taagan doorashada iyo sida loo wajahayo.

Qaaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa ka socota Jubbaland, taas oo la shaaciyey in la qabanayo todobaadka dambe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
caasimada@live.com