James Swan oo shaaciyey sababta uu booqashadiisa ugu billaabay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay booqashadii uu magaalada Garowe ku tagay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrumaha Soomaaliya James Swan.

UNSOM ayaa shaacisay in booqashadani ay aheyd tii ugu horreysay ee James Swan ku tagay meel ka baxsan Muqdisho, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay xilkaasi.

Sidoo kale UNSON ayaa sababta uu Puntland ku doortay inuu ku bilaabo safarkiisa ku sheegtay inay tahay maamulkii ugu horreeyay ee Soomaaliya, islamarkaana hormarao ka gaaray dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“Waxa uu u doortay Garowe in booqashadiisii ugu horeysay ay noqoto ayaa ah iyadoo Puntland ay tahay Maamul goboleedka ugu horeeyay ee laga dhiso Soomaaliya sanadkii 1998dii,isla markaana hogaamiyaasheeda ay door weyn ka ciyaarayaan horumarka dhinaca federalka ee socda.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) oo yeeshay kulan ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Sidoo kale kulankan ayaa lagu soo hadal qaaday xiisada dagaal u dhexeysa maamullada Somaliland iyo Puntland, iyadoona James Swan labada dhinac uu ugu baaqday in wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal, si looga gaabsado in markale ay dagaalamaan.

“Waxaan ku faraxsanahay booqashada Puntland waxaana aan la qaatay wadahadal miro dhal ah Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.

Waxaan ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Somaliland inay wadahadal ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya ee gobolada Sool iyo Sanaag.”ayuu yiri James Swan.

Puntland ayaa shalay si diiran u soo dhaweysay wafdigani ka socday QM, kaas oo uu hoggaaminayey Ambassador James Swan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com