29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

DF oo badashay musharixii ay horey ugu qorsheysay Galmudug + Midka cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa badashay go’aankeeda ku aadanaa cidda ay u sharaxeyso Doorashada dhawaan ka dhaceyso Galmudug.

Ra’isulwasaare Kheyre iyo dowladda oo markii hore la sheegay inay gadaal ka riixayeen Cabdulaahi Faarax Wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada oo kasoo jeedo Beesha Duduble ayaa hadda wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inuu isbadal weyn ku imaaday go’aankaas.

Madaxda ugu sareyso dalka ayaa isku raacay ugu dambeyn in musharaxooda Galmudug uu noqdo Wasiir Axmed Cabdi Qoor Qoor maadaama ay qasab tahay in la qanciyo Beesha Saleebaan oo ka gadoodsan in looga baxay ballan ku aadan inay Cadaado noqoto Xarunta Baarlamaanka Galmudug ayna magaalada ka dhacdo Doorashada Maamulkaas.

Qoor Qoor ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta ay ku tashato Nabad iyo Nolol isla markaasna laf dhabar u ah ololaha ay ka wado Galmudug ayey isku raacday inuu noqdo musharaxooda .

Qoor Qoor oo kasoo jeedo Cadaado ayaa wuxuu cadaadis xoog leh kala kulmayaa Xildhibaanada ay isku Beesha yihiin oo ay ugu horeeyaan XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir kuwaas oo ku sugan Cadaado isla markaasna meel ku xirtay Odayaasha Cadaado kuwaas oo qorshuhu yahay inay gebi ahaanba qaadacaan inay doorasho ka dhacdo Cadaado.

Qoor Qoor iyo Xildhibaano kale ayaa shalay awoodi waayey inay Odayaasha Cadaado ka dhaadhacsiiyaan inay kulan la qaataan Ra’isulwasaare Kheyre, waxayna odayaasha ku xiran yihiin Xildhibaanada mucaaradka.

Ra’isulwasaare Kheyre oo Cadaado kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Cadaado ayaa ka codsaday inay kala shaqeeyaan Doorashada Galmudug balse waxay u sheegeen in go’aanka Cadaado ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ayna macquul aheyn inay daba maraan.

Dhibaatada ugu weyn ee uu Qoor Qoor la kulmi doono ayaa ah inuu taageero ka waayo Odayaasha Cadaado kuwaas oo u arko inuu yahay nin ku shaqeeyo rabitaanka Dowladda isla markaasna aysan uga fadhin inuu u doodo Maqaamka Cadaado.

XIldhibaan Odawaa, Sanateer Abshir Bukhaari iyo Xildhibaan Saabir ayaa ku dhagan go’aankooda ah inay Cadaado hesho maqaamkeeda waxayna taas ka saaciday inay gacanta ku qabtaan Odayaasha Cadaado oo iyaga ay dabiiciyanba ka go’an tahay inay Cadaado maqaam hesho ayna marnaba gorgorton ka geli doonin arrintaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

- Advertisement -

Read more

Local News