Muuse Biixi oo bixiyey amar deg deg ah + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saaray amaro deg deg ah oo lagu dajinayo xaalada dagaal ee kasoo cusboonatay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa shalay galankii dambe kulan deg-deg ah la qaatay Saraakiisha ciidamada Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay dagaalkaasi ka soo cusboonaday degmada Ceel Afweyn.

Kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xiranyihiin oo warbaahintu aysan goob joog ka aheyn, ayaa hadana xogaha kasoo baxaya waxay sheegayan in Madaxweyne Biixi uu saraakiisha ku amray inay Ciidamada Milaterigu ay si deg-deg ah u kala dhex-galaan beelaha isku hor fadhiya deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidoo kale wuxuu Saraakiisha u sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalada soo laab-laabtay ee ka soo cusboonaanaya deegaanka Ceel Afweyn, kuwaasi oo ay ku naf waayen dagaalkaasi inta la xaqiijiyay Sagaal qof halka Labo iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Warar kale oo aan helayno ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland ay dhowrkii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanadii lagu dagaalamay ee Ceel-Afweyn, iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweyne Biixi ee ahaa in ciidamadu kala dhex galaan beelaha isku hor fadhiya deegaanadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com