28.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Jamhuuriyiinta oo billaabay tallaabo Ilhaan Cumar loogu ciqaabayo Charlie Kirk dartiis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Xildhibaanad Jamhuuri ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Mace, ayaa Isniintii gudbisay qaraar ay ku dalbanayso in xildhibaanad Ilhaan Cumar laga xayuubiyo xubinnimadeeda guddiyada aqalka, kaddib hadallo “meel ka dhac ah” oo ay ka sheegtay dilkii Charlie Kirk, oo ahaa nin u dhaq-dhaqaaqa siyaasadda midigta fog.

“Ilhaan Cumar waxay na tustay cidda ay dhab ahaan tahay: waa qof difaacda rabshadaha siyaasadeed, kana gaabsata inay cambaarayso nafta dadka aan waxba galabsan ee la gooyo marka aysan u cuntamin ajendaheeda, xitaa dilkii naxariis darrada ahaa ee loo gaystay Charlie Kirk,” ayay Mace ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

“Haddii aad ku jeesjeesto dil siyaasadeed oo aad u dabaal degto dhimasho, ma sii haysan kartid kursigaaga guddiga, laakiin waxaad la kulmi doontaa cawaaqib,” ayay raacisay.

Qaraarkan ayaa ujeeddadiisu tahay in “la cambaareeyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minnesota, lagana saaro Guddiga Waxbarashada iyo Shaqaalaha (Committee on Education and Workforce) iyo Guddiga Miisaaniyadda (Committee on the Budget).”

Xafiiska Ilhaan Cumar ayaa Talaadadii sheegay in tallaabadan ay tusaale u tahay laba-wejiilenimada Jamhuuriga ee ku aaddan arrinta xorriyadda hadalka.

“Xildhibaanad Ilhaan waxay ka mid ahayd dadkii ugu horreeyay ee cambaareeyay dilka Charlie Kirk. Waxay si cad tacsi iyo duco ugu muujisay xaaskiisa iyo carruurtiisa. Waxay cambaaraysay dilkiisa, waxayna si joogto ah u cambaarayn jirtay rabshadaha siyaasadeed, iyadoon eegayn aragti siyaasadeed,” ayuu afhayeen u hadlay xafiiska Ilhaan ku yiri war uu siiyay The Intercept.

Wareysi ay toddobaadkii hore siisay Zeteo, ayay Ilhaan kaga hadashay xuska loo samaynayay Kirk, oo ay ku tilmaantay mid lagu qurxinayo mowqifyadiisii cunsuriyadda cad ka muuqatay, laguna aaminayo ujeeddooyinkiisii siyaasadeed si aan loo baahnayn. Waxay sidoo kale sheegtay in warka dilkiisa uu ahaa mid “argagax leh” oo ay qalbigeedu u jabay carruurtiisa.

“Dad badan ayaa jira oo ka hadlaya in isaga [Kirk] uu doonayay oo kaliya inuu galo dood ilbaxnimo ah,” ayay Ilhaan u sheegtay Mehdi Hasan oo ka tirsan Zeteo. Ilhaan waxay intaas ku dartay in doodahaas laga reebay qirashada aragtiyihii Kirk ee si wanaagsan loo diiwaan geliyay.

“Charlie wuxuu ahaa qof mar yiri ‘qoryuhu waxay badbaadiyaan nolosha’ kaddib toogasho iskuul ka dhacday,” ayay tiri. “Charlie wuxuu ahaa qof diyaar u ahaa inuu ka doodo oo uu dhayalsado dhimashadii George Floyd ee gacanta booliska Minneapolis.”

Waxay sidoo kale dib u faafisay muuqaal gooni ah oo Kirk ku tilmaamaya “argagixiye dadka kiciya” iyo “qof laga yaqyaqsado” oo faafinayay nacaybka “ilaa daqiiqadihiisii ugu dambeeyay.”

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniintii ku tilmaamay Ilhaan Cumar “qof ceebaysan” iyo “guul-darayste” markii la weydiiyay in xildhibaanadda laga xayuubinayo jagooyinkeeda guddiyada.

Trump wuxuu sheegay inay “adag tahay in la aamino” in cod-bixiyeyaashu ay sii wadaan taageeradeeda. “Laakiin waxaan u arkaa inay tahay qof wax laga quudhsado,” ayuu raacisay.

Ilhaan ayaa sanadihii la soo dhaafay horey ula kulantay dhowr qaraar oo cambaarayn ah iyo weerarro uga imanayay Dimoqraadiyiinta iyo Jamhuuriga, kuwaas oo la xiriiray hadallo ay ku dhaleecaysay lobby-ga Israel iyo imbaradooriyadda Maraykanka.

Sanadkii hore, Ilhaan waxay wajahday laba qaraar oo cambaarayn ah oo ku saabsanaa eedeyn sheegaysa inay leedahay “taariikh Yuhuud-naceyb ah” iyo hadallo kale oo ay ka jeedisay khudbad ay kula hadashay Soomaalida Maraykanka.

Sannadkii 2023, Jamhuuriga Aqalka Wakiillada ayaa Ilhaan ka saaray jagadeedii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka (House Foreign Affairs Committee) sababo la xiriira hadallo ay ku dhaleecaysay lobby-ga Israel. Sidoo kale, sannadkii 2019, Aqalka ayaa u codeeyay qaraar lagu sheegay in lagu cambaaraynayo Yuhuud-naceybka, kaas oo jawaab u ahaa hadallo kale oo ka soo yeeray Ilhaan.

Kirk, oo 31 jir ahaa, ayaa toogasho lagu dilay 10-kii September xilli uu la hadlayay koox arday ah oo dhigata Jaamacadda Utah Valley University ee magaalada Orem, oo qiyaastii 40 mayl (64.4 kilomitir) koonfur ka xigta Salt Lake City. Tyler Robinson oo 22 jir ah ayaa loo xiray dilka saamaynlihii garabka midig.

Agaasimaha Hay’adda Dambi-baarista Federaalka (FBI), Kash Patel, ayaa Isniintii sheegay in caddeyn DNA ah oo laga soo qaaday goobta lagu dilay falanqeeyihii muxaafidka ahaa ay la mid tahay tan eedeysanaha hadda xiran.

Patel wuxuu ku nuuxnuuxsaday in baaritaanka FBI-du uu weli socdo, ayna baarayaashu sii wadaan waraysiga markhaatiyada iyo falanqaynta agabka dambi-baarista, oo ay ku jiraan xogta taleefannada gacanta iyo shaybaarada DNA-da. Natiijooyinka ka soo baxa baaritaanka waxaa lala wadaagayaa xeer-ilaaliyeyaasha deegaanka iyo kuwa federaalka si ay go’aan uga gaaraan eedeymaha, ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News