Ceeldheer (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wafdi culus oo saraakiil ah u dirtay furinta hore ayaa ka farxiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka hortegay weerarkii ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, kaas oo khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay argagixisada.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar (Khaalid) oo hogaaminayo saraakiisha tegay halkaas ayaa ka qayb-galay munaasabad isugu jirtay ducada geesiyadii dagaalka ku dhintay, dhiiragalin iyo abaal marinta ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.
Jeneraal Khaalid ayaa Shahaado sharaf iyo bilado amaal-marinno ah guddoonsiiyay qaar kamid ah askarta iyo saraakiishooda, si loogu dhiirageliyo halganka adag ee ay ku jiraan.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdooda ay ka warqabi doonto, isla markaana ay heli doonaan xuquuqaad gaar ah, daryeel iyo dalacsiin, maadaama ay qabteen shaqo adag.
“Waxaan aad iyo aad ug faraxsanahay inaan maanta la joogo ciidankeyga sharafta leh oo runtii shaqo aad iyo aad u badan deegaankan ay joogaan ka haya, cadowgana wacdaro badan u dhigay, haddii ay noqoto Masagaawa iyo haddii ay noqoto Ceeldheer” ayuu yiri.
Ujeedka booqashada taliyaha iyo saraakiisha ee la socota ayaa ah in sare loo qaado gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga hortago inay mar kale soo abaabulaan weeraro kale.
Al-Shabaab ayaa todobaadkan khasaare wayn lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer, waxaana laga dilay illaa 70 xubnood, halka ay dhaawacmeen 50 kale, sida uu horay u shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay Ceeldheer.
“Khasaaraha dagaalka kusoo gaaray kooxda Khawaarijta, qiyaastii meydadka hadda la hayo waa soddomeeyo, laakiin waxay qaateen oo la hubaa maydad kale iyo dhaawacyo kale, illaa 60 ayuu gaaraya khasaarahooda dhimashada, dhaawacoodana illaa 50 ayuu kor u dhaafay,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Si kastaba, ha’ahaatee Dowladda Federaalka ayaa haatan dalka ka wadda guluf culus oo ka dhan ah Shabaab, waxaana dib boorka looga jafay ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka.



