25.3 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Waqooyi-Bari oo digniin culus ka soo saartay arrin ay ku howlan tahay Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay dhaq-dhaqaaqyada colaad hurinta ah ee ay ku eedaysay maamulka Hargeysa, iyadoo sheegtay in qorshayaashaas ay khatar ku yihiin xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga ee Waqooyi Bari ayaa lagu yiri: “Duullaanka qorshaysan ee maamulka Hargeysa waa arrin halis ku ah xasilloonida iyo nabadda gobolka.”

Dawladda Waqooyi Bari waxay sheegtay in maamulka Hargeysa uu abaabulayo colaad iyo amni darro, iyadoo lagu tilmaamay qorshe ku wajahan “deegaannada iyo shacabka nabadda jecel ee Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.”  

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay inuu ka hortago tallaabo kasta oo keeni karta khalkhal iyo isku day duullaan ah: “Waxay caddaynaysaa in ay si dhab ah u qaadanayso colaad hurinta ay Somaliland waddo, isla markaana ay masuuliyadda ka saaran tahay maamulka Hargeysa.”

Dawladda Waqooyi Bari ayaa si cad ugu baaqday beesha caalamka inay si adag uga hortagaan waxa ay ugu yeertay qorshayaal qaldan oo ay wadaan maamulka Hargeysa:
“Waxay ugu baaqaysaa Dawladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhammaan beesha caalamka in si buuxda ay u cambaareeyaan qorshaha gurracan.”

Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay baahida tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo “khalkhalgelinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Warsaxaafadeedka ayaa ku nuuxnuuxsaday in Waqooyi Bari ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda: “Diyaar na u tahay nabad kula noolaanshaha derisyadeeda, marnaba duullaan kuma ahayn dhul ka baxsan soohdimaheeda.”

Si kastaba, digniin adag ayaa loo diray cid kasta oo isku dayda inay ku soo xadgudubto dhulka maamulka: “Shacabka Waqooyi Bari ay yihiin lama taabtaan, cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulka Dawladda Waqooyi Bari na ay kulmi doonto cawaaqib xumo aan la mahadin.”

Bayaankan oo dhammaantiis ku saleysan digniin iyo baaq, wuxuu si cad u muujinayaa in maamulka Waqooyi Bari uu diyaar u yahay difaaca dhulkiisa iyo shacabka, isla markaana uu doonayo taageero caalami ah si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Digniintan ayaa timid xilli dagaalkii Laascaanood ee 2023 uu weli saamayn xooggan ku leeyahay gobolka. Muddo bilo ah ayaa dagaallo culus ka socdeen magaaladaas, kadib markii shacabka deegaanka ay hubka u qaateen maamulka Somaliland, uga dambeynna ka saareen.

Sida lagu xusay warbixinno caalami ah, dagaalka Laascaanood wuxuu sababay barakac ballaaran oo u dhexeeya 153,000 ilaa 200,000 qof, iyadoo rayid badan lagu dilay rasaas iyo duqeymo aan kala sooc lahayn, inkasta oo shacabka ay markii dambe dib ugu soo laabteen guryahooda.

SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyn qabsatay magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda kadib markii ay 25-kii August 2023 ka guuleysteen Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News