Japan oo lacago Malaayin dollar ugu deeqday Somalia kaddib markii…..

Tokyo (Caasimada Online)-Wakaalada wararka dalka Japan, ayaa maanta oo Jimco ah qortay in dowladda Japan ay 40-Milyan oo dollarka Maraykanka ugu deeqday dedaalada lagu horrumarinaayo Soomaaliya.

Lacagtan ayaa looga dhawaaqay kulan madaxweynaha Soomaaliya uu kula qaatay Caasimada Tokyo ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe Khamiistii.

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mr. Abe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda ku sugan magaalada Tokyo ayaa uga mahad celiyey dowladda Japan sidda ay markasta u la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Japan ayaa safka horre ka gashay waddamada doonaya in ay kaalmeeyaan Soomaaliya oo muddo ka badan 20-sanno ku jirtay dagaallo wajiyo badan lahaa oo dad iyo duuny meertay halka kuwa kalena oo dadkaas ah dalka ka hayaameen oo ay maciin bideen waddamo fogfog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

Caasimada@live.com