Axmed Nuur Cali Jimcale & shirkaddii Barakaat oo xayiraddii laga qaaday

New York (Caasimada Online)- Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xayiraadii saarneyd ka qaaday gudoomiyihii shirkaddii Barakaat Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Xayiraadda dhanka safarka iyo hantidiisa ayaa waxay saarneyd ganacsade Ahmed Nuur Muddo 13 sano ah kaddib markii lala xiriiriyay in gacan saar u la leeyahay ururro Islaami ah oo xag jir ah oo Soomaaliya ka dagaallamo.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda BBC-da ayuu Sheekh Axmed Nur Cali Jimcaale,wuxuu usheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xayiraadii laga qaaday.

Mar la weydiiyay dareenkiisa sidda uu yahay, wuxuu xusay in dareenkiisa uu la mid yahay qof xabsi ku jiray oo laga sii daayay ama qof hantidiisa iyo maalikiisa la xayiray oo laga sii daayay.

Wuxuu sheegay muddadii ay saarneed xayiraada in ay soo wajahday shirkadiisa Barakaad dhibaatooyin fara badan oo xittaa dad badan ay hanti ugu xayirtay.

Wuxuu Sheekh Axmed Jimcaale sheegay in uu aad ugu mahad celinaayo dadkii ka shaqeeyay in xayiraada laga qaado isaga iyo shirkadiisa.

Wuxuu kaloo caddeeyay in dadkii hantida ay uga luntay xayiraada la saaray shirkadiisa in ay dib u heli doonaan sidda caaddiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com