Xog: Qadar iyo DFS oo isku dhacay iyo dhaqaalihi la siin jiray DF oo la hakiyey

Dubai (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayso Xiisadda u dhexeeysa Dowladaha Carbeed ee isku maan-dhaafsan Siyaasadda la xiriira Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar, ayaa waxaa la dareemayaa inay Dowladda Somalia la kulmayso Takoor ka dhan ah.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya inay Dowladda Qatar oo ka mid ahayd Dowladaha taageeradda ugu badan siin jirtey Dowladda Somalia inay haatan saluug xooggan ka qabto inay Dowladda Somalia qeyb ka tahay dagaalka Siyaasadeed ee Dowladaha Imaaraadka Carbta, Sacuudiga iyo Baxrayn kula jiraan Dowladda Qatar oo lagu dhaliilayo sida xad-dhaafka ah ee ay Dowladda Qatar iyo Waraabhinteeda u taageeraan Kooxda Akhwaanul-muslimiinka ee Kacdoonka iyo Dibadbaxyadda ka wada dalka Masar.

Diplomaasi ka mid ah Diplomaasiyiinta u dhuun-duleela arrimahaasi, ayaa sheegay in Dowladdaha Carbeed ee uu ka dhexeeyo dagaalka siyaasadda inay u arkaan Dowladda Somalia mid u janjeerta dhinaca Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Booqashadii uu Ra’isul-wasare C/weli Sheekh Axmed dhawaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa abuuray Xasaasiyad, iyadoo Dowladda Qatar u aragtay inay Dowladda Somalia jaal la noqotay Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu dagaal diplomaasiyadeed kula jirta Siyaasadda Dowladda Qatar.

Ilaha Diplomasiyadda ayaa tilmaamay inay Dowladda Qatar hakisay Kaalmooyinkii Dhaqaalaha ee ay Dowladda Federalka siin jirtey, waxaana suurto-galay inay Dowladda Qatar albaabadda ka laabato Somalia.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey Dowladaha Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Baxrayn waxay Safaaradahooda kala baxeen dalka Qatar, iyadoo taasi ay sababtay inay Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta u kala qeybsamaan kuwa taageersan Siyaasadda Sacuudiga,Imaaraadka iyo Baxrayn iyo kuwo u janjeera Siyaadda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
Caasimada@live.com