Qorshaha MUUNGAAB oo laga digay in uu dhaqan cusub kusoo furi karo DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha cusub ee Banaadir Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa soo jeediyay in dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobolka la hoos keeno taladiisa, haseyeeshee khubarada millatariga ayaa leh tallaabada caynkaa ah waxay carqalad ku noqon kartaa, halkii ay ka hagaajin laheeyd, xaaladda ammaanka.

Markii uu Muungaab hoggaanka kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan 4-tii March, waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono sidii uu kor ugu qaadi lahaa ammaanka magaalada, si taa loo sameeyana, waxa uu soo jeediyay in taliyaha booliska gobolka uu isaga si toos ah u hoos yimaado.

“Waxan doonayaa in aan idiin sheego in [hay’adaha ammaanka] ay tahay in ay si toos ah u hoos yimaadaan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho,” ayuu Muungaab ka yiri hadal uu ka jeedinayay markii uu xafiiska la wareegayay. “Waa inay si toos ah u hoos yimaadaan, waana inuu amarrada maalinlaha ah siiyaa, inuu siiyo gunnadooda uuna la xisaabtamo.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in haddii wax “caqabad” ah la hor dhigo dhaqan-galinta qorshihiisa cusub ee ammaanka uunan wax mas’uuliyad ah ku lahaan doonin xaaladda ammaanka ee gobolka. Saraakiisha ammaanka iyo sirdoonka gobolka ayaan si rasmi ah uga hadlin qorshaha guddoomiyaha.

Si kastaba ha ahaatee, qaddiyaddu waxay tahay sida loo dhaqan-galin karo la wareegiddaas talada iyada oo aan wax laga baddalin hoggaanka taliska ciidanka.

Xilligan bilayska Muqdisho waxa ay ka tala-qaataan taliyaha bilayska gobolka, oo isagana hoos yimaada taliyaha bilayska qaranka, halka adeegga sirdoonka Banaadir ay hoos yimaadaan hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya, oo ah Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NSA).

“Waa wax cusub in dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala Muqdisho la hoos keeno awoodda guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ahaan jiray wasiir ku-xigeenkii wasaaradda difaaca ee maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

“Iskaashi ayaa ka dhex jira oo askarta NSA iyo bilayska gobolku way wadashaqeeyaan, iyaga oo labaduba mas’uul ka yihiin ammaanka gobolka. Laakiin mid waliba waxay leedahay [hoggaankeeda talis ee u gaarka ah],” ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in qorshaha Muungaab uu gabi ahaanba jabinayo qaab-dhismeedkii soo jireenka ahaa ee ammaanka.

Galaal waxa uu sheegay in haddii guddoomiyaha cusub la siiyo awoodda uu ku maamuli karo dhammaan hay’adaha ammaanka ee Muqdisho, ay khasab tahay in dib loogu noqdo qaab-dhismeedka hay’adaha ka shaqeeya magaalada caasimadda ah sifo ay iskula-jaanqaadaan isla mar ahaantaana la isku dhafo talisyo kala duwan.

Dhammaan hay’adaha ammaan ee ka shaqeeya gobol u weyn una ballaaran sida Banaadir ma hoggaamin karo hal qof, ayuu sheegay Galaal.

Tallaabada Muungaab waxa ay horseedi kartaa dhaqan cusub

Daahir Timocadde oo ah korneeyl howlgab ah, kana tirsanaan jiray Ciidanka Soomaaliya xilligii maamulkii Barre, ayaa sheegay in haddii taliska dhismeed ee bilayska iyo nabad-sugidda gobolka Banaadir la hoos geeyo Muungaab, ay dhalin karto in guddoomiyaha gobol walba uu dalbado sidaa oo kale.

“Ma rumeeysni in guddoomiyaha cusub la siiyo awooddaas,” ayuu yiri.

“Hay’adaha ammaanku waa in ay madax-bannaanaadaan si ay u gutaan shaqadooda si markaa uunan dalku ugu dhicin fowdo isla markaana guddomiye gobol ee walba u oran, ‘Hay’adaha ammaanku waa in ay hoos yimaadaan awooddeeyda,'” ayuu yiri. “Waxa jira haya’do dhisan oo u xilsaaran arrimaha ammaanka. Marka, waa in hay’adahaasi lagala xisaabtamaa wax walba oo khuseeya ammaanka waana in loo madax-bannaaneeyaa shaqadooda, isla markaana ay sii bilaan wax walba oo wadashaqeeyntooda ah.”

Timocadde waxa uu sheegay in si loo hagaajiyo ammaanka, ay khasab tahay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir.

“Waxay ila tahay in ay ka wanaagsanaan lahayd in gabi ahaanba la eryo oo la baddalo hoggaanka bilayska iyo adeegyada sirdoonka ee gobolka Banaadir isla markaana la hubiyo in uu jiro isla xisaabtan dhab ah,” ayuu yiri.

Timocadde ayaa ku ammaanay Tarsan in uu guulo waaweeyn ka gaaray ammaanka Muqisho iyo arrimaha bulshada.

“Saddex sano ka hor, caasimadda uma qurux badneeyn sida ay hadda tahay, gaar ahaan laamiyada oo hadda dib loo dhisay oo lagu rakibay nalalka ku shaqeeya soollarka,” ayuu sheegay. “Sidaa darteed, waxan kula talin lahaa guddoomiyaha cusub in uu ku daydo guddoomiyihii ka horreeyay, oo aanan wali fahmi karin sababta xilka looga qaaday iyada oo aan wax eedeeyn ah loo soo jeedin.”

Dhiniciisa, ayuu afhayeenka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha ammaanka la hoos keeno guddoomiyaha gobolka.

Hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir waxa ay ka amar qaataan bilayska qaranka iyo NSA-da labadaba, ayuu sheegay.

“Ammaanka aad ayuu u hagaagi lahaa haddii laamaha ammaanka la hoos keeno oo ay ka amar qaataan [hal talis] oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir,” ayuu Cismaan yiri. Taliska cusub ee loo soo jeediyay ammaanka gobolka waxa uu sidoo kale isku darayaa adeegga sirdoonka gobolka iyo guddoomiiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayuu sheegay.

Sida ku cad qorshaha cusub ee Muungaab, degmo walba oo ku taal Muqdisho waxay lahaan doontaa talis degmo oo dhinaca ammaanka ah, kaas oo ay ku jiri doonaan taliyaha bilayska degmada iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada.

“Waa sidan qaabka aan ku dooneeyno in aan ku sugno ammaanka magaalada, kaasoo askarta bilayska u oggolaan doona in ay qabtaan howlgallo ammaan oo joogto ah oo laga fuliyo xaafadaha degmada, si ka duwan sida hadda xaal yahay oo ay kaliya howlgallo waaweeyn ka fulin karaan isgooysyada laamiyada Muqdisho,” ayuu yiri Cismaan.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Arbacadii (12-kii March), ayuu ku sii dhameeystiray dib isugu shaandheeyntii uu ku sameeyay madaxda sare ee maamulka gobolka isaga oo magacaabay afar mas’uul oo kale.

Kamaaludiin Daahir Xasan ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee siyaasadda iyo arrimaha diblomaasiyadda, Ismaaciil Cabdi Guure guddomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda, Iimaan Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha bulshada iyo Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud Amiin oo noqonaya Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Guure, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Warsame Maxamed Xasan, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha ammaanka, iyo Cabdikaafi Hiloowle, xoghayihii guud ee hore ee maamulka gobolka, ayaa laga qaaday xafiisyadooda.

Isha: Sabahi Online