Jarmalka oo dib uga baxay mashruuc muhiim ah oo uu Puntland ka fulinayey

Berlin (Caasimada Online) – Dowladda Germany waxa ay hakisay taageeradii farsamo iyo dhaqaale ee dhismaha wadada weyn ee Puntland ee isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo sababo la xiriira daahfurnaan la’aan [Musuq-maasuq] awgeed.

Hakintan waxa ay ka turjumeysaa awood dariddii maamulka ee ahayd in ay ka soo xisaab celiyaan dhaqaalihii ku baxay mashruucan. Wajigii kowaad ee mashruuca waxaa la billaabay 2016, kaas oo lagu bartilmaameedsanayey dayactirka wadada Jalam Xarfo oo 80 km ah.

Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Germany Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit (GIZ), waxa ay qeybta wadada Jalam Xarfo ee Garoowe ilaa iyo Gaalkacyo  ku bixisay taageero farsamo iyo mid dhaqaale si loo dayactiro iyada oo u marisay hay’adda Puntland ee wadooyinka (Puntland Highway Authority).

Fulinta dhaq dhaqaaqa dayactirka wadadaas waxaa loo qorsheeyey muddo ku cayiman bishii April 2018 ilaa iyo Maajo 2018.

Warbixin ay soo saartay ayey dowladda Germany ku sheegtay in go’aankeeda ku yimi kaddib markii tayo darro laga arkay fulinteeda iyo xisaab la’aan iyo daahfurnaan la’aan loo adeegsaday lacagtii dhismaha wadada.

Warbixinta waxaa lagu xusay in dadkii wax ka geystay mashruuca ay ogaadeen in wada shaqeyntii u dhexeysay kooxdii fulinta ee Puntland uu si tartiib tartiib ah u sii xumaanayo.

“Habraaca waxa uu horseeday in mabaadii’dii daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka aysan jirin intii uu socday waqtigii saxda ahaa ee shaqada dhismaha socotay,” warbixinta sidoo kale waxa ay u dhacday “Isku day is xiga oo ay safaaradda Germany iyo GIZ ku rabeen in la helo jawi suurtagalinaya taageero dibadeed in aysan dhalin is bedelkii loo baahnaa. Waxaa taas ka dhashay, wada shaqeyntii GIZ iyo PHA in la hakiyo.”

Dowladda Germany waxa ay meesha ka saartay wararka sheegaya in mashruuca loo jiijiyey sababo la xiriira in la waayey dhaqaalihii lagu fulin lahaa.

“Waxaan meesha ka saaraynaa sheegashooyinka ah in aan la keenin dhaqaale ama aan loo soo deyn qaabkii loo dejiyey habraacii dhismaha,” ayaa lagu xaqiijiyey warbixinta, “Dhammaan lacagihii la bixiyey waxa ay xiriiri la lahaayeen bandhiggii intii ay shaqada socotay waxaana loo soo daayey sidii loogu talo galay. Ayaan darro se, mudaddii qandaraaska, kaliya 14% ayaa laga fuliyey shaqadii dhismaha marka laga eedo tayadii lagu heshiiyey.”

Warbixinta waxa ay ugu baaqday dadka uu mashruucaas quseeyey in ay ka fogaadaan eedeymaha waxyeelada ku keeni kara wada shaqeynta u dhexeysa Puntland iyo guud ahaan saaxiibadeeda dibedda.

Safaaradda Germany waxa ay caddeysay in go’aankaas uusan saameyn doonin barnaamijyada kale ee horumarineed ee ay Germany kala kaashato Puntland.