Jarmalka oo ERDOGAN ku xiray shuruud ku saabsan wadaadka Fetullah Gulen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa oo waayadan heshiisyo diblumaasiyadeed la gashay dalka Turkiga ayaa Madaxweynaha dalkaasi Erdogan ka dalbatay inuu cadeymo u keeno eedeymaha loo heysto wadaadka Fetullah Gulen.

Angela Merkel, waxa ay sheegtay in loo baahan yahay cadeymo badan si loo mamnuuco dhaqdhaqaa wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Fetullah Gulen oo xiligan ku nool mareykanka.

Angela Merkel, waxa ay sheegtay in arrin khalad ah ay tahay in Fetullah Gulen uu cadaalad la’aan ku noolaado Mareykanka, hase yeeshee loo baahan yahay cadeymo lagu waajihi karo soo gacan galintiisa.

Fetullah Gulen, ayaa waxa ay dowlada Turkiga ku eedeysay in uu door weyn ku lahaa afganbigii fashilmay ee sanadkii 2016-kii lala damacsanaa Turkiga.

Dowlada Ankara ayaa dhanka kale mamnuucday dhamaan ba hey,ado ka howlgalayay turkiga kuwaasi oo gacan saar la lahaa wadaadkan.

Fetullah Gulen oo ku nool mareykanka ayaa turkiga waxaa uu kaga codsaday in uu u soo gacan galiyo,walow mareykanka uu arintaan ka biyo diiday.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo Ra’isul wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa arrintaani isku weydaarsaday Shir Jaraa’id oo si wadajir ah ay ugu qabteen magaalada Berlin.

Sidoo kale, Angela Merkel ayaa ka dalbatay turkiga in uu sii daayo muwaadiniin u dhalatay Jarmalka kuwaasi oo lagu eedyay in ay ku lug lahaayeen falal argagixiso oo ka dhan ah Turkiga.

Ugu danbeyn waxay sheegtay ms markel in loo baahan yahay cadeymo badan si Jarmalka uu go’aan cad uga gaaro dhaq dhaqaaqa wadaadka Fetullah Gulen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com