Warar ka cusub xaaladda CABDI ILEY oo dalab cusub soo bandhigay maanta

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta mar kale maxkamad lagu soo taagay magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Maxkamadda maanta lasoo taagay Cabdi Iley ayaa ahayd tii saddexaad, tan iyo markii la xiray muddo iminka laga joogo 42 maalmood, waxaana Cabdi Iley uu kulankii maxkamad ka jeediyey codsi uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya kaga dalbaday inuu cafiyo, isaga iyo dadka la eedaysan eek a tirsanaa maamulkiisa.

Dhinaca kale dacwad oogayaasha ayaa dalbanay in waqti dheeri ah oo gaaraya illaa 10 maalmood oo kale Cabdi Iley lagu sii hayo xabsiga, ayaga oo ku dooday inay weli ururinayaan caddeymaha kiiskiisa.

Si kastaba xaakimka maxkamadda ayaa canaantay dacwad oogayaasha, wuxuuna sheegay inaan la aqbali karin in kiiskan uu sii jiitamo sanado, oo ay qasab tahay in deg deg loo soo geba gebeey.

Xaakimka ayaa yiri “Qorshihiina ma waxa uu yahay in kiiskan iska socdo sanado iyo waqti aan la aqoon, waan idiin siinnay fursadihii aad dalbateen, waxaana idin kugu daraa 10 maalmood, deg degu la imaadaa wax cad”.