Berlin (Caasimada Online) – Jarmalka ayaa sheegay inuu rajaynayo in Midowga Yurub iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis ku saabsan canshuuraha cusub ee Mareykanku kusoo rogay baabuurta, balse waxa uu digniin ka bixiyay in “wax kasta miiska saaran yihiin,” si uu u aarguto.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay canshuur dhan 25 boqolkiiba oo lagu soo rogi doono baabuurta, gaadiidka fudud, iyo qalabka baabuurta ee laga keeno dibadda, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah isla markaana keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid suuqyada saamiyada.
Canshuurahaasi waxa ay dhaqan geli doonaan Khamiista toddobaadka dambe, balse Jarmalka — oo ah dhaqaalaha ugu weyn eurozone-ka isla markaana ah mid ka mid ah soo saarayaasha baabuurta ee ugu waaweyn Yurub — ayaa xusay in Midowga Yurub uu raadineyo “wadahadal qoto dheer” oo lala yeesho Mareykanka.
“Khasaaruhu wuxuu ku dhacayaa dhinac walba”
Afhayeenka dowladda Jarmalka, Steffen Hebestreit, ayaa carrabka ku adkeeyay in “murannada ganacsi ay khasaaro ku keeni doonaan dhinac kasta.” Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan isku dayeynaa inaan gaarno xal.”
“Waqtigan xaadirka ah, EU waxay weli rajaynaysaa inay gaarto heshiis wadaxaajood ah oo Mareykanka lala yeesho si looga fogaado dagaal ganacsi,” ayuu ku yiri Berlin.
Si kastaba ha ahaatee, Hebestreit wuxuu xusay in haddii wadahadaladu midho dhalin waayaan, “way caddahay in Yurub ay qaadi doonto tallaabooyin jawaab-celin ah.”
“Waqtigan xaadirka ah wax kasta waa miiska saaran yihiin, wax walbana waa la eegayaa,” ayuu yiri, isagoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Madaxa sare ee EU, Ursula von der Leyen, ayaa horey u sheegtay inay “si qoto dheer uga xumaatay” canshuuraha Mareykanka, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu “sii wadi doono raadinta xal wadahadal lagu gaari karo.”
Kahor inta aanay canshuurahaasi dhaqan gelin, madaxa ganacsiga EU, Maros Sefcovic, ayaa wadahadallo kula yeeshay Washington mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Trump.
Trump ayaa sidoo kale hanjabay inuu soo rogi doono canshuuro kale oo baaxad leh oo ka dhan ah Midowga Yurub, kaas oo leh faa’iido ganacsi oo weyn oo uu la leeyahay Mareykanka.
Jarmalka oo khasaaro la kulmi kara
Shirkadaha baabuurta Jarmalka sida Volkswagen, BMW, iyo Mercedes — oo horeyba cadaadis uga dareemayay suuqa muhiimka ah ee Shiinaha — ayaa si gaar ah ugu nugul khasaaraha ka dhalan kara canshuuraha cusub ee Mareykanka.
Berlin ayaa si xooggan uga soo horjeesatay tallaabada Trump, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock, ay Khamiistii sheegtay in canshuuraha Mareykanka ay ugu dambeyn dib ugu soo noqon doonaan Mareykanka laftiisa.
“Qofka burburiya guriga oo dhan isagoo doonaya inuu saqafka dib u casriyeeyo, ugu dambeyn wuxuu hor istaagayaa burbur,” ayay tiri Baerbock.