Sawirro: Sida looga ciiday Muqdisho iyo guud ahaan dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga, ayada oo inta badan salaadda ciidda lagu tukaday goobaha fagaarayaasha.

Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa goobihii lagu tukaday salaadda ciidda, ayada oo madaxda ugu sareysa dalka ay shacabka kala soo qeyb galeen tukashada salaadda ciidda.

Sidoo kale, saaka waxaa saxmad ka jiray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo indhahaagu qabanayeen carruur iyo waalid gacmaha is haya, kuwaas oo u socdaalayay goobaha loo diyaariyay ciidda iyo tamashleynta.

Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Masjidka Isbaheysiga Islaamka kula tukaday salaadda Ciidul-Fidriga, isaga oo ay weheliyeen kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta hay’adaha dowladda, iyo howlwadeennada qaranka.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay kaddib salaadda ciidda ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada, iyo is-garab istaagga ummadda muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii bisha Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan garab istaagga halyeeyada difaacaya qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud, iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni, iyo barwaaqo.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa munaasabadda ciidda awgeed si gaar ah ugu hambalyeeyay taliyeyaasha, saraakiisha, askarta, iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sugan furimaha dagaalka, difaacayana qarannimada, midnimada, iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumannaan ka mid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qayb galay tukashada salaadda Ciidul-Fidriga oo maanta la oogay.

Madaxweyne Cirro oo ay weheliyeen xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda, ayaa tukashada salaadda Ciidul-Fidriga kala qayb galay kumannaan qof oo ku tukanayay Masjid Jaamaca magaalada Hargeysa.

Salaadda kaddib, madaxweynuhu wuxuu bulshada u jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa, taasoo ku saleysan muhiimadda ay leedahay nabadda, wada-jirka, iyo isku-duubnida bulshada.

Mudane Cirro ayaa ugu horreyntii bulshada Somaliland Alle uga baryay inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii, iyo camalkii wanaagsanaa ee ay sameeyeen bishii barakeysnayd ee Ramadaan.

Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaan shacabka reer Somaliland, ku bogaadiyay munaasabadda Ciidul-Fidriga, isaga oo Alle uga baryay inuu sanadkan, sanadkiisa kale ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo dambi-dhaaf.

Si kastaba, munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.