25.2 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Jawaab: Burburkii Soomaaliya yaa ka danbeeyey? (Xog-warran)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nin baa waxaa laga sheegay ” war ma cadan baa laga heesayaa, misa anigaa waalan” war marka wax la qiimaynayo waxaa lagu eegaa – waxtarka waxaasi yeelan karo , iyo shaygaasi taariikhda siduu u geli doono – Hadii qof wax qabadkiisa laga hadlayana waxaa lagu qiimeeya -wixii uu qofkaasi ama kooxdaasi ka tagta waxaa hubaala in Siyaad Barre ahaa keligiii taliye aan cidkale hadal ka daba odhan jirin wax kasta oo dalka iyo dadka ka dhacana isaga aan cidi la wadaagi jirin waayo cid kale oo uu talada wax ka siin jiray ma jirin, wadanka barlamaan ma jirin , maxkamad madax banaani ma jirin, balse waxaa jiray maxkamada wareegta oo Siyaad bare inaadeerkii “Geele” maamuli jiray isagoo u dhego nuglaa Odayga, ma jirin dastuur la raaco wadanku leeyahay ama daka kala haga , sharcigu wuxuu ahaa “ la jiifiyaana Banaan” oo gacanta iyo afka siyaad bare wixii ka soo baxa ayuun baa sharci ahaa,

Mar haday sidaa arinku ahaa oo ay jirtey keli talisnimo (totalitarian) markaa in bur bur yimaado oo dadku godoodaan way ka fursan wayday , halkaa markay marayso oo dadkii taliskii macangaga ahaa ka soo horsheestay waxay isaga ( siyaad bare) kaga soo ururtay yaan cidi kaa danbayn ee adiguna lugta ku walaaq , “ wallee dabaday Lama ledo” sidii bay u dhacday , maantana waxa taagani waa wxiii uu kategay taliskaasi.

Dadka qaar baa ku doodaya siyaad bare waxaas buu qabtay ,waxaas buu sameeye ,dee wixii uu dhimayna meesha ha la sheego , markaa ha la is barbar dhigo oomarkaa bal ha la ogaado nuxurka jawaabta cinwaankan ko ku xusan.

Waxaa jiray nin wadaada oo bulsho meel degani aad u karaamayso, caruurtana quraan-DHURWAA u dhigi jiray , reerahana xoolaha been iyo turufo ugu nabaadiino xidhi jiray markay diboodaan , marka cudur la arkana dad iyo xoolaba u kitaab-yaxaas furi jiray furi jiray, laakiin dadka oo juhalo ahaa ay run ka moodi jireen, beryo markii sidaa wadaadkii ku waday buu markii danbe bilaabay wixii shaqsiyadiisu ahayd , oo dumarkii dagmada qaar kufsaday, qaar meher xaday, badhkood , garciyey, tuugo aan loom eel dayin ayuu isla markaa bilaabay, khiyaamo iyo wax is daba marin baa ku batatay , marba dadka inuu iska horkeeno oo yirahdo –hebel baa sidaa yeelay ayaey uga badatay.

Mudo markii uu sidaa ahaa ayaa tii Alle u timi oo ninkii markii hore sheekha loo yaqaanay , laakiin asalkiisu tuugga ma xishoodaha ah ahaa uu dhintay . su,aal baa timi ah ninkan ma sheikh buu ahaa mise tuug , waxaa cadaatay in ninkaani diin shaqo ku lahayn ee uu tuug ilaahay ka go,ay ahaa.

Markaa qof waxaa lagu qiimayaa wixii uu ka tegay ee beribuu sidaa ahaa socaon mayso markaa somalidu ha is waydiiso wixii uu siyaad bare ka tegay oo looga aayey dabadii , dadkii iyo dalkii uu boobay xaguu ku danbeey-qofka waxaa laga reeba wax la yiraado LEGECY , markaa taas baa lagu qiimayaa , weli waa taa dabadii la is cunayo , “AYAX TEG EELNA REEB”

W/Q: Mohamed Ali Samatar

Hargaisa, Email: karin1826@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News