Jawaab: Maqaalkii “Haddii Farmaajo la kulmo Netanyahu, maxaa ku jaban?”

Magacaygu waa Maxamed Xuseen, waxaan doonayaa in aan waxyar ka iraahdo qormada cinwaankeeda yahay “Haddii Farmaajo la kulmo Netanyahu, maxaa ku jaban?”, ee uu qoray qoraaga Ilyaas.

Ugu horayn waxaan uga mahad celinayaa qormada qoraaga, sidookale bogga caasimada.net. Marka xigta waa arin loobaahan yahay in la’iswaydiiyo, inta aanan qormadan arkin waxay ahayd su’aal aan iswaydiinayay  ilaa intii aan maqlay. Hadii ay jirto in madaxwaynuhu ulakac usameeyay waa arin aad u qallafsan una baahan in siyaasada madaxda dalka ay dib uga shaqeeyaan. Hadii ay tahay mid kam’a udhacday waa arin lasixikaro oo kunoqosho iyo kadaba tag leh.

Waxaad moodaa in taariikhdu aysan madaxda somalidu wax kabaranin laga soo bilaabo dawladii dhexe ee awooda badnayd ilaa iyo iminka oo aan bur-bursanahay. Waxaan kala saari la’nahay yaa cadow inoo ah yaa saaxiib inoo ah, Carabi ma saxiib baanahay mise colbaanahay, Yaa’ina duminaya ma Israel mise Carab. “Hashu maankayga gadaye ma masaar bay leqday”. Taariikhda waa dhaxal aadamuhu wax ka bartaan. Carabi lama arag ninbarya oo ay u damqadaan, Laakiin la’arag nin karbaasha oo ay kacabsadaan. Tusaale wadanka layiraahdo Mauritania ee dhaca waqooyiga qaarada Afrika markuu khadyaan ka istaagay Carabta oo uu arkay in la-liido ayuu go’aan ku qaatay in uu xiriirka u jaro Carab oo uu xiriir dhow lasamaysto Israel. Inyar uun kadib Carabta iyagaa usoo kala dhuuntay horumarka Mauritania gartayna cidwaliba way lasocotaa walina xiriirka Israel iyo Mauritania waa sidiisii.

Ugu danbayn aduunku waa danaysi wax ku jaban in Israel laga fa’idaystana majiro, sidii la’isuqabadsiin lahaa waxaa laga doonayaa madaxda Somaliya, Carabta maanta joogta halwadan oo aan xidhiidh dhow la lahayn Israel majiro. Syria ayaa iskutaagtay waad aragtaan meesha ay taalo. USA iyo dhamaan Western ka hadaad Israel isku taagto adna tagtay, Somaaliyada maanta waa ” Neef gawracan geed kama waabto” cidii anfacaysaba ha kafaa’idaysato. Hadii aan intaa kusiidaro Israel dall iyo dadd midnaba nagama dhaxeeyo Soomaalida kaliyahna waardiye kama aha Diinta waliba Carabtaa nooga dhow oo bariga dhexe ladagan.

W/Q: Mohamed Hussein
Manchester, United Kingdom. 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid