Wargeys Mareykan ah oo shaaciyey caddeymaha xasuuq shacab oo Mareykanka ka gaystay Somalia

Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Beast ee Mareykaka ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in ciidamada Mareykanka ay xasuuq shacab ka gaysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdadii 25-kii August ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose oo si ula kac ah loogu dilay 10 qof oo shacab ah, oo uu ku jiro canug yar.

Wargeyska ayaa baaritaan ku sameeyey dhacdada, isaga oo wareystay saddex qof oo ka bad-baaday, taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalka gacanta ka gaystay iyo kan ciidamada Amisom ee Uganada.

Wargeyska ayaa sidoo kale Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan sirdooka Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan dowladda, oo codsaday inaan la magacaabin.

Daily Beast ayaa qoray in dhammaan dadkii la hadlay ay magacyadooda u qariyeen ayaga oo ka cabsanaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in ciidamada howlgallada gaarka ah ee Mareykanka ay si ula kac ah rasaas ugu fureen dad shacab ah oo aan hubeysneyn, ay adeegsadeen warbixino sirdoon oo laga helay dad aan la isku haleyn karin oo gobolka ku sugan iyo saraakiisha dowladda federaalka.

Kadib xasuuqii shacabka ayaa diblomaasiyiinta Mareykanka waxay dowladda Soomaaliya ku cadaadiyeen inay qariso natiijada baaritaan ay sameysay oo caddeysay xasuuqan.

Halkan ka aqri warbixinta Daily Beast

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com