Erdogan oo shaaca ka qaaday qorshe halis ah oo ka dhan ah dunida muslimka

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay inuu jiro qorshe la doonayo in lagu burburiyo midnimada iyo mustaqbalka dunida Muslimka ah.

“Qorshe aad u xun ayaa socda oo ka dhan ah midnimada, mustaqbalka iyo hodantinimada dunida muslimka ah”ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyey shirka ururka dalalka Islaamka ee magaalada Istanbul.

Erdogan waxa uu sheegay in dunida muslimka ay sanadihii dhowaa ku sugneyd xaalad aad u adag.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dalalka Reer Galbeedka ku eedeeyey inay dunida Muslimka usoo dhoofiyeen taariikhdooda cudurka ah.

“Ka aamusnaanta reer galbeedka ee xasuuqa ka socda Syria toddoba sano, ayaga oo albaabka ka xirtay dadka muhaajiriinta, iyo ayaga oo aan cambaareyn xasuuqa muslimiinta Myanmar, waxay na tustay wejigooda dhabta ah” ayuu yiri.

Waxa uu uu is-weydiiyey sababta dalal badan oo muslimiin ah ku qasbeysa inay ballaayiin dollar siiyaan quwadaha reer galbeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com