Jawaabta DF ee heshiiska Puntland iyo Itoobiya oo su’aallo badan dhaliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muujisay sida ay u diidan tahay fara-gelinta joogtada ah ee dowladda Itoobiya ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Itoobiya ayaa Arbacadii heshiis la gashay maamulka Puntland oo maalmihii dambe uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Iyada oo aad loo dhaliilsana nooca fal-celinta ee Soomaaliya marka ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo ee sanadkaan, ayaa markaan waxaa muuqata in Muqdisho ku dhaqaaqday iska caabin siyaasadeed oo intii hore ka xoog badan.

Golaha Wasiirrada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay soo saaray amar lagu xiraayo labada qunsuliyadood ee dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa.

Soomaaliya waxay Itoobiya ku wargelisay in asbuuc gudihiis ay labadaasi qunsuliyadood ku xiraan, shaqaalaha labadaasi xafiisna waxaa loogu baaqay inay dalka uga baxaan muddo asbuuc ah.

Dowladda Soomaaliya waxay kale oo ku dhawaaqday inuu dalkiisa wada-tashi ugu laabto safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho.

Waa laba tallaabo oo aad u culus in labada qunsuliyad la xiro, safiirkana lagu amro inuu dalkiisa wada-tashi u aado, waxayna muujinaysa sida ay Muqdisho uga gubatay tallaabada ay dorraad qaaday Itoobiya, taas oo maamulka Puntland la gashay heshiis lagu fara-gelinayo midnimada Soomaaliya.

Tallaabo sidaan u xooggan lama qaadin markii ay Itoobiya heshiiska la gashay Somaliland, laakiin dadka arrintaan ka waramaya waxay leeyihiin sababtu waa inay xarka-goys noqotay fara-gelinta Itoobiya.

Waxaa kale oo arrintaan lagu fasiray mid ay dowladda Soomaaliya uga hortageyso tallaabooyinka soo socda, maadaama aad loo hadal-hayo inay Itoobiya hadda wada-hadal kula jirto maamul goboleedyo kale oo Soomaaliya ku yaalla.

Muqdisho waxay illaa hadda horumar fiican ka sameysay in uusan dhaqan-gelin is-afgaradkii Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxaana tallaabada maanta ay sii badineysa culeyska caalamiga ah ee haysta Itoobiya oo dunida ay waayahan u aragto mid aan xaq dhowreyn xeerarka caalamiga ah, midka Afrika iyo derisnimada.

Ma cadda sida ay dhaqan-gal u noqon doonaan labadan go’aan, gaar ahaan midka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku laheyd labada magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, maadaama dowladda Soomaaliya aanay hadda magaalooyinkaas saameyn ciidan ku laheyn.

Laakiin Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya waxay sheegeen in haddii diblomaasiyiinta Itoobiya ay u hoggaansami waayan arrinkaan ay galayaan xad-gduub ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, lagana qaadi doonno tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblumaasiyadda caalamka.

Xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraysa, mana muuqdan fursado isku soo dhawaansho ah oo mustaqbalka dhow ah. Itoobiyana waxay weli sida muuqata car-car u tahay inay kala dhantaasho qarannimada Soomaaliya, iyada oo ka faa’iideysaneysa khilaafka dhex yaalla Soomaalida.