Jawaari iyo CCC oo laga doonayo ansixinta 3….

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka dalka ayaa soo jeediyay in xukuumada Soomaaliya iyo baarlamaanka ay ansixiyeen seddex sharci oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay doorashooyinka la qorsheynayo iney ka dhacaan dalka Soomaaliya.

Xuseen Cabdi Aadan oo ka mid ah Gudigaasi ayaa sheegay in labada Gole ee Dowlada looga fadhiyo inay diyaariyaan meel marinta sedexdaasi sharci taasoo si weyn loogu baahan yahay doorashooyinka dalka laga qaban doona sidan kan dhici doona 2016 dhamaadkeeda.

Xuseen Cabdi Aadan wuxuu sedexda sharci ku kala sheegay sidan soo socota;-
1-Xeerka Doorashooyinka
2-Xeerka Xisbiyada
3-Xeerka diiwaan gelinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Xuseen Cabdi Aadan mar uu sii sharaxayay xeerka diiwaan gelinta ayuu sheegay in loo baahan yahay muwaadin kasta oo Sooomaaliyeed inuu leeyahay lanbar u gaar ah kaasoo lagu dul qori doono dhamaan wixii isaga u gaar ah sida Leysinka Gaariga , Id kaarkiisa sida kan shaqada nuucey doonto ha ahaatee.

“Xerka diiwaan gelinta wuxuu wax weyn ka tarayaa xiliga doorashooyinka qof iyo cod ,waxay kala saareysaa dadka codeynaya sabbabtoo ah “ayuu yiri Xuseen Cabdi oo ka mid ah Gudiga Doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com