Xiisad cusub oo ka taagan magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa soo sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamadii maalin ka hor ku dagaalamay Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo waxa ay soo tabinayan inay jirto dareen cabsi leh oo ku aadan in dagaal uu dhaco, maadaama ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland ay weli isku hor fadhiyaan halkii ay ku dagaalameen.

Dadka Xaafada Garsoor ayaa la soo sheegayaa qaarkood inay xalay barakaceen halka qaar kalena ay allaabahooda uruursadeen oo guryahooda ay ka barakaceen, waxaana ay ka cabsi qabaan in dushooda lagu dagaalamo.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in Magaalada gudaheeda lagu arkaayo ciidamo badan oo kala taabacsan Maamulada ka jira Magaalada.

Shalay Magaalada Gaalkacyo Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka waxa ay kaga dhawaaqeen heshiis ka kooban saddex Qodob oo ay ugu weyn tahay xabad joojin, hayeeshe waxa ay u muuqataa in heshiiskaasi weli uusan dhaqangelin.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xalay ku hooyday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo uu shalay u tagay sidii loo xalin lahaa xiisadaha ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Xiisada Magaalada ka jirta ayaa waxa ay walaac badan ku haysaa dadka Magaalada ku nool oo ka cabsi qaba in xaalada ay noqoto mid sii adkaata.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com