Xildhibaan CABDI BARRE oo ifiyay xog cusub oo ku saabsan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Barre Yuusuf, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo shalay ka hadlayay kulan xildhibaanada ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa si faahfaahsan xog ka bixiyay qorshaha Kenya ka damacsan tahay darbiga xuduuda ka dhiseyso.

Xildhibaanka Cabdi Barre, ayaa sheegay in Kenya aysan dooneynin darbi iney ka dhisto dhanka xuduuda balse ay ku hoos wadato qorshe cusub oo ah iney ku xalaaleysato badda murunka ay gelisay ee Soomaaliya.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Kenya ay dhanka degmada Beledxaawo ka qotay god dhererkiisa lagu sheegay inuu gaaray 700 mitir, ayna dooneyso iney darbigaasi ku geyso dhanka badda ay dooneyso iney boodto si ay u sheegato lahaanshaha badda.

“Kenya dani kama lahan dhisme darbi laakiin waxay dooneysaa iney dhanka badda darbigaasi intey ku darto hadhow shegato iney badda leedahay, dalkaanaa dadkii madaxda ka ahaa uma jeedaan, warka ha ogaadaan in dalka madaxbanaanidiisa tahay muqadas”ayuu yiri xildhibaanka.

Dhawaan dowlada SOomaaliya ayaa gudi xaqiiqo raadin ah u dirtay degmada Beledxaawo, laakiin gudiga ayaa sheegey in Kenya aysan wadin dhisme darbi, waxayna ka gaabsadeen ka hadlida Godka Kenya qodatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com