Shan qodob oo uu xilka ku waayay W/Ganacsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraayo wararka la xiriira xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan.

Xogo aan ka heleyno dhanka Xukuumada ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan uu xadgudubyo kala duwan ku sameeyay nidaamka Xukuumada u degsan waxaana lasoo warinayaa inay is maan-dhaafen Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali.

Marka laga soo tago xadgudubka uu ku sameeyay dhaqaalaha wasaarada kasoo gala dhanka canshuurta laga qaado ganacsatada ayaa waxaa lagu heystaa qodobo ay kamid yihiin:-

1-Waxa uu aflagaado u geystay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid goortii uu isku dayay inuu wax ka weydiiyo musuqa uu ku sameeyay miisaaniyadii kasoo xarooneysay wasaarada Ganacsiga.

2-Ra’isul wasaare Cumar oo wax ka weydiiyay mar kale Musuqa ayuu ugu jawaabay in wasiir waliba oo ka tirsan Xukuumada uu eego maslaxadiisa gaarka ah, islamarkaana aan wax laga weydiinkarin faragalinta uu ku sameeyay miisaaniyada ee lagu eedeeyay.

3-Waxa uu isdaba-marin hantiyeed ku sameeyay dhaqaale loogu talla galay in lagu fuliyo mashaariic.

4-Waxa uu heshiisyo gaar ah la galay Ganacsato la sheegay inay miisaan ku dhex leeyihiin ganacsiga dalka.

5-Waxa uu mudada xilka uu hayay Fiisooyin loo soo saaray qaab siminaaro dalka dibadiisa ah ka iibiyay shaqsiyaad gaar ah oo kala dhexeeyay heshiisyo.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay il gaar ah ku hayay Wasiirkaani xilkiisa ku waayay isdaba-marinta, waxaana isa soo tareysay macluumaadka laga helaayay howlihii ay u igmatay dowlada.

Qorshaha xilka looga qaaday ayaa waxaa isla waday Ra’isul wasaare Cumar iyo Xildhibaano ka tirsanaa gudi dabagal oo maalmahaani si toos ah la xisaabtan ugu hayay wasiirkaasi xilka laga qaaday.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeyso xili bilowga asbuucaani uu BFS banaanka soo dhigay Musuq-maasuqa Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com