Saddex arrin oo ka dhalan karta darbiga KENYA

Dhibaatooyin intee le’eg ahba ka dhalan kara darbiga ay Kenya doonayso in ay dhisto dhulka Soomaalida ?‏

Sidan horay u balan qaadayba, Waxaan qormadan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo dhibaatada ka dhalan karta darbiga ay Kenya dooneysa in ay ka dhisto xuduudd-beenaadda u dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Anigoona xoogga saari doona nooca dhibaato ee ka dhalan karta darbigaasi iyo waliba cidda ugu badan ee uu dhibaato u geysanayo karo ma Soomaalida ku nool dhulka Jamhuuriyadda mise Soomaalida ku nool gobolka NFD ee ay Kenya gumeysato ?

Haddaan dib ugu soo laabto sii wadidda qoramadeena, Dowladda Kenya ayaa ku adkaysaneysa dhismaha darbi ay ka dhisto xuduud-beeneedda u dhaxaysa dalka Soomaaliya iyo Kenya amaba ay darbigaasi ka dhisto gudaha Soomaaliya waaba haddii laga aqbalee. Hadaba dhibaato intee le’eg ah ayuu darbigaasi u geysan karaa guud ahaan dadka Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku nool labada daan (dhinac ) ee xuduud-beenaadda ?

Markan runtii dhinacyo badan wax ka eegay, Anigoo waliba ku salaynayo eegiddaasi aqoonta aan u leeyahay deegaanka iyo waliba sida ay isugu xiran yihiin Soomaalida ku nool deegaanadaasi uu gumeysigu kala jara-jaray , Ayaa waxaa ii soo baxday in darbigaasu uu dhibaato xoog leh ku yahay guud ahaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan hamilooyinkooda ku aadan mideynta dhulkii uu gumeysigu kala jaray. Bal Inta aanan u gelin nooca dhibaato ee dhalan karta aan marka hore waxooga sharxo deegaanada uu saameyn doonno darbigaasi marka la dhisee.

Darbigani, Waxaa uu saameyn doonaa Soomaali badan oo ku kala nool labada daan ee xuduud beenaadda. Waxaa uu sidoo kale saameyn doonaa Soomaalida ku dhaqan degmada Suufta oo ka mid ah dhulka ay Itoobiya gumeysato. Taas oo xuduud-beenaad la wadaagto magaalooyinka B/xaawo iyo Mandheera. Tusaale ahaan hadii darbigaasi la dhiso, Waxaan shaki ku jirin in uu caqabad ku noqon doono dadka ku dhaqan degmadaasi maxaa yeelay, Waxa uu ka horistaagi doonaa in ay sahal ah ku gaaraan dhanka deg. B/xaawo oo ay la leeyihiin xiriir ganacsi oo aad u ballaaran.

Maadaama dadka ku dhaqan sedexdaasi xuduud ay wada yihiin dad Soomali ah, oo uu ka dhaxeeyo xiriir dhan walba ah sida mid ganacsi, mid waxbarasho, mid bulsho iyo waliba mid amni Sidaa daraadeed waxaan shaki ku jirin in uu darbigaasi saameyn doono guud ahaan noloshooda. Tusaale ahaan, dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka NFD. Waxa ay noolashooda ku xiran tahay dhanka dhulka Jamhuuriyadda, gaar ahaan marka laga hadlayo wax la cuno, wax la xirto, wax la isku qurxiyo iyo waxyaabaha kale ee ay ka midka yihiin electronics sida TV-yada oo kale.

Darbigan, ayaa waxa uu saameyn doonaa marka la dhiso sedex arimood oo muhiim u ah guud ahaan dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada uu maro xuduud-beenaadku, Waxa ay sedexdaasi arimood kala yihiin kuwa soo socda :-

1-Dhanka Ganacsiga:

Darbigan, Ayaa saameyn xun ku reebi doono arimaha la xariira ganaciga iyo waxyaabaha kale ee aasaaska u ah nolasha qof bini’aadamka ah, ee uu isticaalo qofka Soomaaliga ah. Tusaale ahaan magaalada Mandheera oo kale, Wax ay dhanka Balad-Xaawo ka heshaa waxyaabaha uu sida gaar ah uu ugu baahan yahay qofka Soomaaliga ah, haddii ay ahaan lahayd wax la cuno, wax la xirto iyo waliba wax la isku qurxiyo. Waxa ay sidoo kale magaalada Mandheera Balad-xaawo ka heshaa waxyaabaha ay ka midka yihiin caanaha, dhuxasha iyo waliba xoolaha nool ee la qasho .
Darbigana ayaa marka la dhiso, Waxa uu dhaawici doonno ganacsiga wanaagsan ee ka dhaxeeya Umaddan uu gumeysigu kala jarjaray, sida in uu yareeyo waxyaabihii u kala gooshi jiray labada dhinac, amaba uu la yimaado canshuur dheeraad ah maadaama ay fududdahay in la kontoroolo dhaqdhaqaaqa xuduudda.
Waxa uu sidoo kale darbigu sababi karaa in ay yaraadaan qulqulka badeecooyinka u kala goosha dhulka Jamhuuriydda iyo gobolka NFD, Iyadoo loogu danaynayo arinkaasi ganacsatada Kenyaanka iyo waxyaabaha ay soo saaraan Warshadahooda.
Anigu, shaqsiyan markan dhinacyo badan wax ka eegay, Waxaa runtii ii soo baxday in darbiganba lagala jeedo sidii loo curyaamin lahaa ganacsigan xoogga leh ee ka socda dhulka Jamhuuriydda iyo xiriirka uu ganacsigaasi la leeyahay dhulalka la haysto sida NFD oo kale . Bal aan is weydiinno meesha ay Kenya ka keeni karto dhaqaalaha baaxadda leh ee ku baxaayo dhismaha darbigaasi ? Mase laga yaabaa in arinkaasi ay ku lug leeyihiin dalal waaweyn oo ka soo horjeeda Soomaalida iyo himilooyinkeeda ?

2-Dhanka Waxbarashada

Darbigan, waxa uu saameyn doonaa waa marka la dhisee dhanka waxbarshada, maxaa yeelay waxaa jira arday badan oo Soomaalida jamhuuriydda oo wax ka barata dhanka Kenya sida magaalada Mandheera oo kale. Kuwaasi oo maalin walba u kalaha Iskuulada ku yaallo dhankaasi, Iyagoo mudda gaaban gudaheeda ku gaari kara goobohooda waxbarasho, Iyagoonan gaadiid raacin. Waxaana suuragal ah haddii darbigaasi la dhiso in ay adkaanto in ay sii wataan waxbarashadooda sababa la xariira darbigaasi.

Waxa uu sidoo kale darbigu caqabad ku noqon doonaa macalimiinta reer NFD ee oo wax ka dhigta iskuulada ku yaallo dhanka dhulka Jamhuriydda, gaar ahaan degmada B/xaawo oo kale, Kuwaasi oo noolal-maalmeedkooda ka soo saaro shaqadaasi macalinimo. Waxaana laga yaabaa in ay jiraan dad reer Mandheera ah oo wax ka barta dhanka deg. Balad-xaawo sida kol horeba dhacday, waayo waxaan xusuustaa mar arday reer Mandheera ah ay wax nagala baran jireen Iskuul ku yaalay dhanka deg. B/xaawo, Kaasi oo laga baran jaray luuqadda Carabiga oo si heer sare ah loo dhigi jiray.

3-Dhanka Bulshada

Darbigan, waxa uu saameyn doonaa xiriirka bulsho ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan labada daan ee xuduud-beenaadda. Tusaale ahaan, Waxa uu si gaar ah u saameyn doonaa bulshada xoola-dhaqatada ah, Kuwaasi oo had iyo jeer xoolohooda u daaq geeya meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka Soomaalida. Haddaad ka soo jeeddo deegaanadaasi, waxaa laga yaabaa inaad aragto xoolo ka yimid dhulka NFD, Kuwaasi oo u daaq tagay gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose oo kale, halka ay caksigeedana dhacdo.

Maadaama bulshadeenu u badan tahay bulsho xoolo-dhaqato, Islamarkaana aan dhulkeenu roobku ku badneyn, hadaba sidee la yeelayaa xoolaha ku dhaqan dhulka uu maro xuduud-beenaadku ? Haddii xoolahaasi la doonayo in loo daaq geeyo dhanka dhulka Jamhuriyadda xagey marayaan ileen meeshu darbi baa ka dhisane ? Mase ka fikireen kuwan Soomaalida ah ee horboodayo dhismaha darbigaasi xaaladda aan ka waramayo ? Mise Iyaga korsiga ayaa uga muhiimsan Soomaalida iyo sida ay u nooshahay

Tan kale, xisaabtu ma ku darsadeen waxmagaratadaasi caqabadaha uu la imaan doono darbigaasi, iyo in uu dhibaato u geysan doono dadka masaakiin ah ee ka qaxa colaadaha ka dhaca deegaanadooda sida marar badanba dhacday. Tusaale ahaan, haddii ay shaqaaqo ka dhacdo meel ka mid ah deegaanada dhaca xuduud-beenaadda xagay marayaan dadkaasi ileen waxa ay u baahan yihiin dhul amni ahe ?  Mase la socdaan in shaqaaqadu ay ka dhici karto labada wadanba sida tii ka dhacday Mandheera oo kale, Taas oo qoysas badan ku qasabtay in ay u qaxaan dhanka B/xaawo.

Tan kale, sow darbigan caqabad ku noqon maayo sheegashada ay Soomaaliya sheegato in dhul laga haysto ? Nacam, bal waxa uu noqon doonaa mid ay Kenya ku dooddo in aysan jirin dhul laga haysto Soomaaliya maadaama ay raali ku ahayd markii darbigaasi la dhisaayey. Mase laga yaabaa dhismaha darbigaasi in looga gol leeyahay in Dowladda Federaalka lagu cadaadiyo aqbaaladda wadahadal laga galo muranka xagga badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ?

Midda kale, dhismaha darbigaasi iyo xadgudubkii ay Kenya ku soo samaysay xuduuddeena waxa ay banaanka u soo saareen khaai’inu-wadaninimada Soomaalida qaar, Kuwaasi oo si aan gabasho lahayn u garab istaagay Kenya iyo dulmigeeda. Tusaale ahaan, waxaa la arkay kuwa oronayo Kenya waxa ay xaq u leedahay in darbi ka dhisto xuduuddeeda, Iyagoo ula jeedo xuduud-beenaadda, halka kuwa kalena ay laasimeen aamus iyo juuq la’aan sida kuwa horbooda maamul beeleedyada oo kale.  Aaway masuuliyaddii ka saarneyd dalka iyo daaficiisa ?

Markan hadalka soo uruuriyo, Darbigan haddii la dhiso, waxa uu dhibaato xoog leh u keeni doonaa guud ahaan dadka Soomaalida ah, gaar ahaan kuwa ku nool labada daan ee xuduud-beenaadda ee ay nolashu isaga xiran tahay. Tusaale ahaan, qoyska Soomaaliga ah ee ku nool magaalada Mandheera oo kale, xagay ku xiran tahay nolashiisa iyo waxa uu u baahan yahay ma Muqdisho mise Nayroobi ? Mase isgarab dhigi karnaa askarta iyo shaqaalo-dowladeedka Kenya ka jooga dhulka NFD iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi ?Maxay cunaan, Islamarkaana ay xirtaan dadka madowga ah ee ku dhaqan dhulka NFD ? Mase kala jecel yihiin in xuduudkaasi uu furnaado ama uu xirnaado ? Ma jirtaa wax xiriir ah oo ka dhaxeeya dadkaasi madow iyo Soomaalida ku nool dhulka Jamhuuriyadda ? Ma cunaan dadkaasi madow hilibka geela,  Mase cabbaan  caanihiisa ? Jawaabtu waa maya maxaa yeelay ninka madow ee Kenya maamulo, Soomaali waxna lama cuno waxna lama xirto waana sababtaasi sababta ay u doonayaan dhismaha darbigaasi ujeeddo badanka ah.

Gabagabadii iyo gunaanudkii, Waxaan soo jeedinayaa talooyin dhowr ah oo aan isleeyahay waxa ay ka hortagi karaan damaca ay Kenya ku dooneyso in ay darbi kaga dhisto dhulkeena (NFD) Waxaana talooyinkaasi ka mid ah kuwan soo socda :-

1-In ay ka dhiidhiyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan labada daan ee xuduud-beenaadda in darbigaasi laga dhiso dhulkooda sabab kastaaba ha lagu sheego dhismihiise.

2-In lala xisaabtamo siyaasiyiinta Soomaalida ah ee horboodeysa dhismaha darbigaasi mashbuuha ah (aan kala cadeyn)

3- In doodo waaweyn laga qabto dhibaatooyinka ka dhalan kara dhismaha darbigaasi ujeeddo badanka ah.

4- In aanan la aaminin waxyaabaha ay warbaahinta ka sheegaan siyaasiyiinta iyo madaxda Kenyaanka ee uu ugu horeeyo Uhuuro Kenyaata ee lagu seexiyo dadka masaakiinta ah.

Xusuusin: Qormadeena danbe, Waxa aan kaga hadli doona qormo aan cinwaan uga dhigay { Kenya iyo Itoobiya ma kala jecel yihiin qabaa’lada Soomaalida iyo siyaasiyiintooda }

W/Q: Cabdullaahi Gumeysi-diid
Abdull2006@hotmail.com