Xog: Wasiir kashifay sir culus iyo cabsi soo food saartay wasiirada xukuumadda CCC Sharmaarke

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa iminka bilaabay howl karnimo dhanka Howlahooda shaqo, kadib markii ay goodin xil ka qaadis ah kala kulmeen Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Mid kamid ah Wasiirada ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay ka heleen digniino la xiriira in lagu sameynaayo xil ka qaadis.

Wasiirkaani oo codsaday inaan saxaafada loo adeegsan magaciisa ayaa sheegay in isku shaandheynta kadib ay kulan caadi ah la qaaten Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar, waxa uuna sheegay inta uu kulanka socday ay labadaasi mas’uul ku baaqen in howsha si wacan loo guto.

”Dabcan waad aragtaa qaabka uu u dhacay isbedelka kooban ee uu sameeyay Ra’isul wasaare Cumar. labada mas’uul ee ugu sareysa dalka waxa ay noosheegen inaysan dooneynin in nalagu sameeyo xil ka qaadis balse aysan cafin doonin wasiirkii lagu helo musuq-maasuq ama isdabamarin”

”Isbedelka dhacay waxa uu dareen gaar ah galiyay tirro wasiiro oo horay loo hadal hayay inay ku bixi doonaan isku shaandheynta balse ma dhicin. waxaa suuragal ah in isbedelo kale ay dhacaan Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid waxa ay hada xooga saarayaan sidii lagu baabi’in lahaa musuqa Somalia ee uu caalamka ka cabanaayo”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay muddo kooban u qabteen Tirro wasiiro ah oo ku eedeysan waxqabad la’aan, kuwaasi oo laga codsaday inay ka faa’iideystaan wakhtiga yar ee loo qabtay.

Haddalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay warbaahinta si aad ah ay u hadal heysay isku shaandheynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com