Xog: Ciidan ku qul-qulaya magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in heshiis laga dhex waday labada maamul ee Puntland iyo Galmudug aanu cago badan ku taagneyn iyadoo ganacsato iyo odayaal ay ku dhex jiraan oo labada maamul aanay ogoleyn inay si toos ah u wadahadlaan.

Xaalada Magaalada ayaa mar kale laga dareemayo xiisad colaadeed markii la arkay ciidamo fara badan oo maamulada Puntland iyo Galmudug ku soo daabuleen magaalada.

Ciidamada Labada Dhinac ay is hor fadhiya, taasoo dadka magaalada gelisay cabsi keentay in qax balaaran ka bilowdo Gaalkacyo.

Odayaal iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ku dhawaaqay xabad joojin ayaa culeys kala kulmaya labada maamul, waxaana la sheegay in Puntland ay ku adkeysatay dhismaha wadada dagaalku ka dhashay.

Waxaa muuqata in labada maamul ee dagaalku u dhaxeeyo aanay dooneyn wadahadal toos u dhex mara, siiba Puntland oo aan aqoonsanayn maamulka Galmudug, taasoo xaalada uga sii dartay dagaalkana u bedeli karta mid weji kale yeesha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com