Xog: Ujeedada Fog ee laga leeyahay dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada GALMUDUG iyo Puntland

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaanada Puntland ayaa si adag kaga hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyay ciidamada kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo sababay dhimasho, dhaawac iyo bakarac dadka deegaanka soo gaara.

Dr Cali Xaaji Warsame, oo soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland ayaa si adag kaga hadlay dagaaladaasi, isagoo sheegay in dagaalada aysan aheyn kuwo wax soo kordhiyay kaliya iney qasaaro geystaan mooyaane, sida uu sheegay.

Cali Xaaji, ayaa taageeray dadaalada nabadeed oo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug, isagoo dalbaday iney sii labo jibaaraan ilaa xal buuxa laga gaarayo dagaalada ka dhacaya deegaanada u dhaxeeya labada maamul.

Wuxuu si cad u sheegay in dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ay riixayaan dad kale oo gadaal taagan dhinacyada dagaalamaya, la iskuna dirayo ummada Soomaaliyeed ee walalaha ah ee muddo wada daganaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ujeedada fog ee laga leeyahay dagaalada ayuu sheegay iney tahay in ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin la kala dhex dhigo dhinacyada wada daga magaalada Gaalkacyo, dibna loo wiiqo dadaalada nabadeed ee ka socdo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com