Maxaa kasoo baxay kulankii Jawaari, Kheyre iyo Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan saacado qaatay ayaa ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya kaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlayay howlaha horyaala ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka oo Arbacadii lasoo dhaafay helay codka kalsoonida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha ayaa ka wada tashaday qabka magacaabista golaha wasiirada cusub ee sanadkaan imaanaya, waxaana la filayaa in dhawaan la shaaciyo.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa doonaya sanadkaan in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya laga ilaaliyo liiska golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jiro kulamo wada tashi  ah oo u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka iyo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo matalaya beelo kala duwan.

Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed gaar ahaan Hawiye ayaa doonaya sanadkaan inay si buuxda uga soo dhex muuqdaan liiska golaha wasiirada cusub ee dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com