Xog: Kheyre oo ay ku waajibtay in 2 waji uu kusoo dhaweeyo siyaasada Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa lagu wadaa in dhawaan uu u guda galo howlihiisa ku aadan kasbashada maamul Goboleedyada dalka.

Kheyre ayaa waxaa horyaal howlo badan oo ku aadan dhanka Gobolada dalka oo la doonaayo in lagu mideeyo Siyaasada Somalia.

Maamulada ugu adag mideyntooda Siyaasada ayaa kala ah Somaliland iyo Puntland, waxaase ugu daran Somaliland oo Siyaasada ahaan banaanka ka joogta Somalia.

Madaxdii hore ee dalka ayaa waxaa ku adkaa in maamulka Somaliland ay kusoo biiriyaan maamulada kale ee dalka, waxaase muuqaneysa in Ra’isul wasaare Kheyre ay u sahlan tahay in Somaliland uu kasoo jilciyo mowqifka ay ku taagan tahay.

Qodobka Koowaad Ra’isul wasaare Kheyre waxa ay aad isugu dhow yihiin Siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Somaliland, iyadoo ay intaa u dheertahay waajib ka saaran in Somaliland uu ku qanciyo Siyaasada iminka taagan ee lagu mideynaayo dhammaan maamulada dalka.

Qodobka Labaad Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Madaxdii hore ee dalka kaga duwan yahay in Somaliland uu ka qabo Gabar waxa ayna taa sahleysaa in Somaliland ay kasoo dhawaato sidii hore, marka loo eego dhibaatadii heysatay Madaxdii hore.

Kheyre waxa uu sidoo kale durba bilaabay Siyaasad uu kusoo jiidanaayo Somaliland, waxaana la xaqiijiyay in xil wareejinta kadib uu bilaabay la xiriirida Madaxda Somaliland.

Sidoo kale, Kheyre waxa uu xiriir kaa lamid ah la sameeyay Madaxda maamulka Puntland oo ay kawada hadleen Golaha Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo, taa oo soo dhaweyn u noqon doonta Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u muuqda mid lagu tijaabinaayo isku keenida Umadda Soomaaliyeed oo ku kala fogaatay Siyaasada Somalia iyo Cadaawada ay kala dhex dhigeen Dowladaha Deriska la ah Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com