Gaas oo xil ka qaadis ku sameeyay mas’uul xil muhiim ah hayay

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa goordhow xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka maamulka Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha oo lagu eedeeyay arrimo ka baxsan shaqooyinkiisa.

Xilka Guddoomiyenimo ayaa waxaa si KMG ah usii heyn doona Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Siciid Maxamuud Jaamac.