Weerar bambaano oo lagu qaaday maxkamada darajada koowaad

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in weerar bambaano lagu qaaday maxkamada darajada Koowaad ee Boosaaso.

Sida dadka goobjoogayaal ah sheegeen ruux dhalinyaro ah ayaa weerarka bambaanada ah ku qaaday maxkamada, waxaana uu bam gacmeed ku tuuray maxkamada oo dad badan ku sugnaayeen.

Khasaaro  u badan dhaawacyo ayaana ka dhashay weerarkaasi oo saaka ka dhacay maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ilaa iyo seddex ruux ayaa la sheegayaa inay dhaawacyo kasoo gaareen bam gacmeed ruuxa dhalinyarada ah uu ku weeraray maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso.

Lama oga waxyaabaha Ruuxa dhalinyarada ku qasbay falkaan, laakiin maxkamada ayaa maanta oo kale qaada dambiyada madaniga ah.

Bamka ka dib ayaa ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa Maxkamada waxay fureen rasaas badan oo dadkii baqdin gelisay, waxaana kadib ay goobta ka baxsaday ruuxa falkaasi ka dambeeyay.

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxay u muuqataa mid amaankeeda uu faraha kasii baxayo, maadaama todobaadkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal amaanka ka hor imaanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com