Ciidamo badan oo guaha u galay hoyga musharaxa madaxweyne ee François Fillon

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska Le Parisien ayaa qoray in Booliska dalka Faransiiska uu baaritaan kula dhaqaaqay Hooyga musharaxa xilka Madaxweynaha Faransiiska ee Xisbiga Jamhuuriga François Fillon oo ku yaalla magaalada Paris.

Wargeyska ayaa sheegay in baaritaanka Hooyga Musharaxa uu yahay mid la xiriira fadeexad ku aadan mushaharka uu siin jirey xaaskiisa mudada uu ahaa Xildhibaanka.

Marwada Musharaxa ayaa la sheegay in lagu helay Musuq lacageed dhan nus malyuun euro iyada oo aan qaban wax shaqo ah, sida uu qoray wargeyska Le Parisien.

Fadeexada kusoo baxday Musharaxa iyo Xaaskiisa ayaa laga walaacsan yahay in François Fillon uu uga haro damaciisa xilka.

Geesta kale, Xisbiga Jamhuuriga, ayaa difaacaaya Kiiska la xiriira Musuqa ee lagu helay Musharaxa iyo Xaaskiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com