Jawaari oo aan casharro ka baran shaqo yaraantii baarlamankii 9-aad (Maxaa hadda socda?)

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ka sugayeen xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad shaqo ka badan inta ay hadda qabteen  iyo in uu noqdo mid ka tayo badan baarlamaankii 9aad oo ahaa mid tacbaan ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa shakhsi aqoon leh, fahamsan shaqada golaha laakin waxaa muuqata in aanu wax casharro ka baran shaqo yaraantii baarlamaanka 9aad, taasi waxaa ku tusinaya shaqada la qabtay kalfadhiga 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka 10-aad waxaa ay aad uga yar tahay shaqada la qabtay kalfadhigii 1aad ee baarlamaankii 9aad.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka 10aad waxaa uu ku bilowday  astaamo la mid ah  baarlamaankii ka horreeyay sida xildhibaanno aan xafiis laheyn oo shaqo la’aan ku heyso hoteellada Muqdisho, ka war-qab la’aanta xildhibaannada ee goobihii laga soo doortay iyo arrimo kale.

Golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad, waxaa la rabay in ay ka tarjumaan rabitaanka shacabka iyo ka jawaabista faragelinta dowlado ay Imaaraadka Carabta ka mid tahay ay ku hayaan Soomaaliya, waxaa la rabay in xukuumadda ay kala hadlaan dilkii 42 Soomaali ah oo Yemen lagu dilay,  xafiiska fulinta ay dowladdana u sheegaan in uu sharciga ilaaliyo sida uu sameeyay Garyaqaanka qaranka, ka hadlaan cadaalad darrida, arrimaha shaqo-siinta  iyo in guddoonka ka qabtaan in uu isku badalo oday dhaqameed.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka 10aad waxaa heysata caqabadihii baarlamaankii 9aad sida soo xaadiritaanka Xildhibaannada, saacadaha shaqada golaha, Mooshinnada iyo arrimo kale.

Inta aanan ka hadlin dhaliilaha shaqo ee golaha shacabka baarlamaanka 10aad, aan dib idiin xusuusinno waxqabadkii yaridii baarlamaankii 9aad (2012-2016) iyo in aanu marnaba noqon Karin mid tusaale noqon kara.

Baarlamaankii 9aad, waxaa ay qabteen:

  1. Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.
  2. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka
  3. Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.
  4. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaab xir sanadeed

Waxaa kaloo lagu eedeeyay baarlamaankii 9aad in ay qorteen shaqaale ka badan 311, matalaadda shacabka oo aad u yaraa, Mooshinno badan, nabad-galyada Xildhibaannada oo la sugi waayey taas oo keentay ku dhawaad 20 Xildhibaan in la dilo, waxaa intaa dheeraa guddiyadii la dhisay oo loo waayey maaliyad ay ku shaqeeyaan.

Hadaba, Markii la dhaariyay golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad, waxaa ay shacabka sugayeen in ay si dhaqso ah ku qabtaan shaqooyin cusub iyo qaar dhameystir u baahnaa.

Doorashooyinka Marka Laga Tago, Shaqada Golaha Shacabka Uu Kalfadhigan Qabtay:

  1. Miisaaniyadda 3 bil
  2. Qeybinta guddiyada golaha
  3. Arrimaha abaaraha

Mooshinnada Baarlamaanka 10aad:

  1. Moohin Laga keenay Saldhigga Imaaraadka ee Bebera,
  2. Mooshinka wax ka badalka xukuumadda Khayre,
  3. Mooshin kalsooni siin ah xukuumadda Khayre
  4. Moosinka guddiga difaaca golaha ee ka dhanka ahaa dhismaha ciidanka xoogga dalka
  5. Mooshin wax ka badal qodobka 133(2) ee dastuurka KM ah ee Soomalaiya
  6. Ilaainta awoodaha dastuuriga ah

Warbixin Baarlamaanka 10aad:

  1. Warbixinta guddiga abaaraha
  2. Warbixinta guddiga difaaca
  3. Warbixin guddiga maaliyadda
  4. Qeybin sharciga buuxinta kursiga ka bannaadaada golaha shacabka
  5. Warbixin doorashada guddoonka gudiyada golaha shacabka
  6. Warbixin xaaladda abaaraha
  7. Warbixin Xeer ilaaliyaha guud ee qaran ee Dacwada Badda Soomaaliya
  8. Diyaarinta Booqasho deegaan

Qaraarrada Baarlamaanka 10aad:

  1. Qorshaha Hirgelinta doorashooyinka qaran 2020
  2. Qaraar ku saabsan dhismaha guddiga korjoogteynta gurmadka abaaraha
  3. Qaraar ku saabsan guddiga deg-dega abaaraha
  4. Qabinta qaraar ku saabsan dhaarinta iyo deeqaha uu xaq u leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh
  5. Guddi loo saaray habraaca loo jaray gunnada xildhinaanada bisha Janaayo 2017-
  6. Mudada xilheynta baarlmaanka 10aad
  7. Wax ku kordhin qodobada xeer hoodaaka
  8. Qaraarka hab-dhismeedka Amniga qaranka ee guddiga difaaca iyo amniga  soo gudbiyay.

Shaqo Ka Dhiman Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad Oo La Rabay In Ay Qabtaan:

  • Wax Ka Badalka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka
  • Sameynta Istaraatiijiyaddii uu golaha shacabka ku howlgeli lahaa muddada soo socota.
  • Hortabinta guddoonka iyo guddiyadaas in ay la shaqeeyaan ciddii ay shaqadooda khuseysay.
  • Niidaaminta iyo dhameystirka heykalka golaha shacabka.

Shaqo Dhameystir u Baahan Oo Aan La Bilaabin:

  1. Dib u eegista dastuurka KMG ah
  2. Dhismaha xubnaha guddiga adeegga garsoorka
  3. dhisida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka
  4. Dhismaha xubnaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka
  5. Dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa
  6. Dhismaha guddiga adeegga baarlamaanka
  7. Dhismaha hey’adda ama guddiga isgaarsiinta
  8. Sharciga Kheyraadka Biyaha
  9. Sharciga Xuquuqda siyaasiyiinta
  10. Sharciga Maareynta Kaalmaha Shidaalka
  11. Sharciga Miinada iyo waxyaabaha qarxa
  12. Sharciga la fahmi waayey oo loogu yeero la dagaalanka argigixisada
  13. Sharciga kheybsiga kheyraad dalka

Jawaari Waxaa Uu Ku Guul-dareystay:

  1. La Xisaabtanka Xildhibaannada kulamada ka maqan.
  2. Xakameynta Saacadaha Shaqada, oo Xildhibaannada waa in ay soo xaadiraan 9-ka, laakin 12:00 duhurnimo ayey shaqada bilaabataa golaha shacabka,
  3. Waxaa xusid mudan in golaha shacabka laga sugayo sidoo kale in ay ansixiyaan xisaab-xirka miisaaniyaddii 2015-ka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa looga fadhiyaa in uu dar-dar geliyo shaqada golaha, in kalfadhiga 2aad ee soo socda uu ka shaqo badnaado kii hadda, in la dedejiyo sharciyada dalka u xayiran yahay iyo in Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad loola xisaabtamo sida ay iyagaba wax ula xisaabtamaan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET