25.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Jawaari oo digniin culus u diray mas’uuliyiinta DF iyo dadka shacabka?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa digniin culus kasoo saaray gafka loo geysanaayo Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan shaqsiyaadka ka tirsan dowlada iyo kuwa shacabka ah ee Golaha Shacabka ku aflagaadeeya baraha bulshada.

Jawaari waxa uu tilmaamay inay sii kordhayaan mas’uuliyiinta iyo dadka shacabka ah ee ku howlan fadeexeynta Golaha Shacabka, waxa uuna wacad ku maray in dadkaasi la marin doono sharciga.

Jawaari waxa uu tilmaamay in aan la aqbali doonin in meel loogu dhaco sharafta Xildhibaanada Qaranka iyo Guddoonkooda Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan cid walbo oo warar been ah ka faafisa Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa carab dhabay in Xildhibaanada ay yihiin kuwo gudanaya oo keliya waajibaadkooda Dastuuriga ah balse aysan jirin Wasiir iyo Xukuumad ay duulaan ku yihiin.

Haddalka Jawaari ayaa kusoo beegmaaya xili Xildhibaanada baarlamaanka ay maalmahaan ku dhagnaayen Wasiir Xoosh oo isagu lagu eedeeyay in qoraal gaf ah uu kusoo daabacay beejkiisa gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News